XOG CULUS: Messi Oo Ka Cadhaysan Super League, Sababta Xasaasiga Ah Ee

Ku dhawaaqista horyaalka cusub ee European Super League ayaa cusbo kale kusii dartay mustaqbalka kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi kaas oo marka horeba la filayay inuu kooxdaas iskaga tago dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Heshiiska uu 33 sano jirkaasi ku joogo Camp Nou ayaa ah mid dhacaya bisha June ee sanadkan, wali ma jiraan wax warar ah oo sheegaya in heshiis kordhin ay isku fahmeen isaga iyo maamulka kooxdu.

Messi ayaa la filayaa inuu dhawaan la kulmo aabihii ahna wakiilkiiisa Jorge Messi si uu ugala hadlo dookhyada uu haysto iyo kooxaha doonaya kaddib markii ay Barcelona ku biirtay ESL.

Qayb weyn oo kamid ah sababta ay Barcelona ugu jirto horyaalkaas cusub ayaa ah inay dhaqaale fiican ka helayso iyadoo hubaal 300 Milyan oo pound ku qaadan doonta ka qayb galka tartankaas oo kaliya.

Lacagtaas ayay kooxda Catalan-ka ahi ku awoodi doontaa inay ku dhisto mashruuc uu Messi kooxda kusii joogayo iyadoo hadda xaalad dhaqaale xumo oo adag ku jirta.

Si kastaba, sababta uu Messi uga soo horjeedo tartankaas ayaa ah inay dilayso hammigiisa heer caalami, waxa la filayaa in xiddigaha ka qayb qaata Super League laga ganaaxi doono kulamada qaramadooda ee caalamiga ah.

Iyadoo Copa America iyo koobka aduunka lagu ciyaaro doono 18-ka bilood ee soo socda gudahooda, waxa ay taasi u muuqataa inay tahay fursadii ugu dambaysay ee uu Leo koob ugula guuleysanayso Argentina.

Haddii uu Messi go’aansado inuu ka tago Camp Nou, liiska kooxaha uu ku biirayo iyadoo aan laga ganaaxayn kulamada heer caalami ayaa koobnaan doona waxaana fursada kaliya haysan doonta PSG.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More