Xiddiga Muslimka Ah Ee Lagu Gaaray Afurka Isagoo Dheelaya Kulan
Wesley Fofana ayaa afuray intii ay socotay kulankii ay Leicester Metropolis 2-1 kaga badisay Crystal Palace xalay.
Daqiiqadii 34aad ayaa waqti kooban oo ay ciyaarta joogsatay waxay u ogolaatay in xiddiga Muslimka ah uu biyo ku afuro madaama uu ciyaarayay isagoo sooman.
Taageerayaasha kubada cagta ayaa ku amaanay xiddiga Faransiiska inuu qaab ciyaareed fiican soo bandhigayay isagoo sooman oo gudanaya waajibkiisa diiniga ah.
Khamiistii la soo dhaafay tababaraha Leicester Metropolis Brendan Rodgers ayaa u ogolaaday daaficii hore ee Saint-Etienne inuu afuro isagoo ku bedelay Marc Albrighton ka dib saacad uu ciyaarayay kulankii West Brom.
Rodgers ayaa sheegay inuu la amakaagay awooda iyo qaab ciyaareedka sarre ee Fofana isagoo sooman bishaan barakeysan ee Ramadan.
“Waa wax cajiib ah. Marka aad eegto qaab ciyaareedkiisa kulankii semi-finalka FA Cup, isagoo aan waxba cunin waxna cabin maalintii oo dhan iyo si la mid ah maanta ayuu hadana soo bandhigayaa qaab ciyaareedka aad aragtaan ee aadka u sareeya” ayuu Rodgers yiri isbuucii la soo dhaafay ka dib guushii ay ka gaareen West Brom.
“Waxaan kulankaas ku fekeray inaan soo bedelo si uu kursiga keydka wax ugu cuno islamarkaana aan u ilaaliyo caafimaadkiisa.
“Waxaan la soo shaqeeyaa ciyaartoy badan oo diintooda ku dhegan kuwaasoo awood kaliya ka qaada inay gutaan waajibkooda diineed.
“Si aan caadi aheyn ayuu u ciyaarayaa islamarkaana tababar u qaadanayaan bisha Ramadan. Waa ciyaaryahan tayo gaar ah leh”