Muxuu Yahay Cadaadiska Gaarka Ah Ee Saaran Garooraha Kulanka Caawa Ee
Garsooraha kulanka semi-finalka Champions League ee Actual Madrid iyo Chelsea ee caawa ayuu saaran yahay culays weyn oo ka duwan midkii gudaha garoonka ee uu hore ula tacaali jiray, waxaanna markan ugu soo kordhay mid siyaasadeed.
Kaddib khilaafkii UEFA iyo labadan kooxood, Chelsea ayaa is-beri yeeshay, waxaanay u caddaysay UEFA iyo taageereyaasheedaba, in 48 saacadood gudahood ay kaga baxday tartanka Tremendous League ee muranka dhaliyey, si ay u raalligeliso taageereyaasheeda, waxaana ku ayday oo iyaguna raacay shantii kooxood ee kale ee Ingiriiska.
Laakiin Actual Madrid ayaa illaa saacaddan kusii dhegsan in aanay ka baxayn tartanka Tremendous League.
Madaxweynaha UEFA ee Ceferin, ayaa maalmo ka hor yidhi: “Aniga, manner ii kala duwan yihiin kooxaha qirtay in ay qaladka sameeyeen ee yidhi, ‘waanu ka baxaynaa mashruuca’. Kuwa kale waxa aan leeyahay mashruucu wuu dhintay, laakiin ma doonayaan in ay rumystaan.”
Saddexda kooxood ee Actual Madrid, Barcelona iyo Juventus ayaa ah kuwa kale ee wali Tremendous League jiritaankiisa ku adkaysanaya, waxaana dooddaasi ay saamayn ku yeelanaysaa garsooraha kulanka caawa ee Actual Madrid iyo Chelsea.
Wargeyska Marca ayaa tibaaxay in garsooraha reer Netherlands ee Danny Makkelie uu saaran yahay cadaadis badan oo ka baxsan midka ciyaartoyda labada dhinac, ayna go’aamadiisa si dhow u fiirsanayaan indho badan oo markan eegaya haddii UEFA ay isaga soo dhex-marayso si ay u ciqaabto Actual Madrid.
Waa kuma Danny makkelie?
Waa 38 jir sumcad badan ku leh kubadda cagta adduunka, waxaana go’aamadiisa iyo qaabkiisa garsoor ay ka mid yihiin kuwa loogu kalsoonida badan yahay. Koobkii Adduunka 2018 ee France iyo Croatia, waxa uu ahaa garsoorihii fadhiyey VAR.
Finalkii Champions League ee sannadkii 2019 ee Liverpool ay koobka kaga qaadday Tottenham, waxa uu garsoorihii hayay VAR.
Labadan ciyaaroodba waxa jiray go’aamo muran dhaliyey iyadoo kubbado ku dhaceen gacmaha. Xiddiga reer Croatia ee Ivan Perisic iyo khadka dhexe ee Tottenham ee Moussa Sissoko ayaa labadaba lagu qaaday rikoodheyaal.
Garoonka dhexdiisa, waxa Makkelie ahaa garsoorihii hayay finalkii Europa League ee sannadkii hore ee 2020 ee Sevilla iyo Inter Milan. Waxa kale oo uu qabtay ciyaartii wareegga 16ka tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan ee Actual Madrid iyo Atalanta, iyadoo uu rikoodhe u dhigay Los Blancos.