Xiddig Lala Xidhiidhinayo Liverpool Oo Ka Hadlay Wararka Lala Xidhiidhinaya Reds

Xiddiga diirada u saaran Liverpool Ederson ayaa shaaca ka qaaday inuu ka fikiri doono mustaqbalkiisa Atalanta BC kadib Copa America.

Ederson ayaa xiiso ka helaya kooxda Liverpool kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan Khadka dhexe xilli ciyaareedka ambe.

Xiddiga Khadka dhexe ayaa 53 kulan u saftay kooxdiisa xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu dhaliyay 7 gool halka uu caawiye ka noqday gool kale.

Ederson ayaa sheegay in uu diirada saaru doono xulkiisa ka hor inta uuna ka fikirin mustaqbalkiisa.

“Mar walba waxay dhacdaa marka suuqa uu furmo, in dhammaan mala-awaalka yimaado,” Ederson ayaa u sheegay majaladda Spanish-ka AS.

“Mar walba waxay dhacdaa marka suuqa uu furmo, in la soo hadal qaado mustaqbalkayga”.

“Hada waxa aan diirada saarayaa kulamada xulka kadib waxa aan ka fikiri doonaa mustaqbalkayga”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More