Xiddig Fadeexad Galmo Darteed Looga Ceyrinayo Paris

Jese Rodriguez ayaa wajahaya in laga ceyriyo Paris Saint-Germain ka dib markii uu ku kacay fal dhaqan xumo ah.

Xiddigaan ayaa qiyaameeyay saaxiibtiis isagoo gogol dhaaf sameeyay, waxaana u sii dheer in lagu sawiray isagoo ka qeyb galaya xaflad lagu qabtay Gran Canaria.

Xaflada oo ay soo qaban qaabisay saaxiibtiis Aurah Ruiz ayaan la xiranin wax maaskaro ah halka dadku aysan kala fogaanin sida sharciga uu yahay madaama Korona Fayras uu weli faro ba’an ku hayo dadka.

Jese oo 27 sanno jir ah ayaa kaliya ciyaaray 22 daqiiqo xilli ciyaareedkan iyadoo madaxda PSG lagu waramayo inay ka soo booday hab dhaqankiisa xun.

Waxayna tani soo gabagabeyn doontaa waqtigiisii garoonka Parc des Princes.

Sida ay sheegtay Footmercato, ilo ku dhow maamulka PSG ayaa yiri: “Kooxda ma ogolaan doonto in Jese uu wasaqeeyo magaca kooxda xitaa haddii uu ciyaaryahan keyd ah ka yahay kooxda.”

Halista uu ugu jiro in laga ceyriyo kooxda ayaa ku soo aadeysa xilli noloshiisa gaarka ah ay sidoo kale tahay mid kala daadsan.

Jese iyo Aurah oo ah hooyada canugiisa ayaa hore u kala tagay bishii Janaayo, laakiin waa ay heshiiyeen balse haatan xiriirkooda ayaa burbur ah ka dib markii uu Jese gogol dhaaf sameeyay.

Xiddiga reer Spain ayaa lagu eedeynayaa inuu la saxiixday gabar ay saaxiibo yihiin xaaskiisa oo lagu ,magacaabo Rocio Amar taasoo soo dhigtay Instagram cod ay ka duubtay Jese oo xaaskiisa ku tilmaamay mid waalan oo lagu caajiso.

Madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa la sheegayaa inuu ka taagay sumcad xumada uu Jese u soo jiidayo kooxda iyo sida uu u dhaqmayo noloshiisa gaarka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More