XASAASI: Mustaqbalka Sergio Ramos, Qorshaha

Sida uu sheegayo wargeyska kasoo baxa magaalada Madrid ee Marca, kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa u muuqda mid dhammaadka xilli ciyaareedkan soo af-meeri doona 16 sano oo uu kusoo qaatay kooxdaas isla markaana qaab bilaash ah kaga tagi doona.

Xiddiga ree Spain oo hadda ku maqan kulamada caalamiga ah ayaa Salaasadii shalay galay 100-ka maalmood ee ugu dambeeya heshiiskiisa Real Madrid iyadoo wali wadahadalada heshiis kordhintiisu ay yihiin kuwo war cad laga haynin.

Marca ayaa sheegaya in Ramos uusan madaxweynaha kooxdiisa ee Florentino Perez la hadal tan iyo bishii December walow uusan wali si sax ah u diidin heshiis kordhintii loosoo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Iyadoo loosoo bandhigay heshiis kordhin 1 sano ah oo uu 10% kamid ah mushaharkiisana ku dhimayo sababo la xidhiidha xaalada dhaqaale ee adag ee uu keenay xanuunka Korona Fayras ayuu Sergio Ramos ka biyo diiday.

Wararka ayaa sheegaya in daafaca ruug caddaaga ahi uu doonayo heshiis intaas ka badan, in badan oo kamid ah xiddigaha ay isku kooxda yihiin Ramos ayaa aqbalay qandaraas lamid ah miska isaga loosoo bandhigay.

Marca ayaa sheegaya in madaxweyne Perez uu balaadhinayo dookhyadiisa marka ay noqoto arrinta Ramos isla markaana uu u ogolaan karo inuu iska tago haddii uu David Alaba la saxeexdo.

Daafaca Bayern Munich ayaa sheegay inuu dhammaadka xilli ciyaareedkan qaab bilaash ah kaga tagayo kooxdiisa walow mushaharkiisa la sheegay ee ah inuu doonayo 400,000 oo Pound uu caqabad ku noqon karo kooxaha saxeexiisa raba.

Marca ayaa sheegaya sidoo kale in madaxweyne Perez iyo inta kale ee boodhka Real Madrid ku jirtaa ay og yihiin in Ramos uusan wali kooxaha kale ka helin heshiis uu ku qanco.

34 sano jirkaas oo galaya sanadihii ugu dambeeyay ee waayihiisa kubadda cagta ayaa doonaya in heshiiskiisa cusubi uu ka felceliyo sumacdiisa ah inuu kamid yahay daafacyada ugu fiican dunida.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More