Xaqiiqada Haddii Ay Man United Dhab U Doonayso Saxeexa

Warar cusub oo laga helayo wargeyska xog-ogaalka ah laguna kalsoonaan karo wararkiisa ee Manchester Evening News ayaa sheegaya in kooxda Manchester United aysan gabi ahaanba wax xiiso ah u qabin dib ula soo saxeexashada Cristiano Ronaldo oo Juventus ka tirsan.

Wararka xanta ah ayaa ahaa kuwo toddobaadkan buuxiyay warbaahinta kubadda cagta iyaga oo Ronaldo la xidhiidhinayay Man United xilli ay hubaanti la’aani ka taagantahay mustaqbalkiisa Juventus.

Warbixin lagu qoray wargeys ree Argentina ah ayaa sheegaysa in Man United ay isku dayayso inay dib ula saxeexato Ronaldo halka wargeyska Record ee ree Portugal uu sheegay in Red Devils ay dalab afka ah ka gudbiyeen.

Si kastaba, Manchester Evening News ayaa shaaca ka qaaday in madaxda sarre ee Man United ay ku qoslayaan wararka sheegaya in hadda ay ku jiraan wada xaajoodka saxeexa Ronaldo.

Heshiiska uu 35 sano jirka ree Portugal kula joogo Bianconeri ayaa ah mid dhacaya sanadka 2022 taas ayaana ka dhigan in Man United aysan kaliya mushaharkiisa bixin doonin si ay u hesho balse ay sidoo kale tahay inay lacag saxeexiisa ku bixiso.

Heshiiskaas ayaan u muuqan mid qabsoomaya maadaama uu dhaqaale ahaan lamid yahay midkii ay Manchester ku diiday inay Jadon Sancho kula soo saxeexato suuqii dhawaa.

Wargeys ree Talyaani ah ayaa dhawaan dhinaciisa sheegay in mustaqbalka Ronaldo uu ku xidhnaan doono natiijooyinka kooxda ee xilli ciyaareedkan taas oo ka dhigan in haddii ay kooxdu qaab fiican ku dhammaysan weydo uu bixi karo.

Dhawaan ayay ahayd markii agaasimaha ciyaaraha Paris Saint-Germain ee Leonardo uu diiday inuu meesha ka saaro fursada ay Ronaldo kula soo saxeexan karaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More