Skip to content
Saturday, October 17, 2026 5 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:43
Muqdisho 29°C
Breaking: New Galmudug Parliament Sworn In Ahead of Leadership Elections
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Wuu Iska Hadlayaa Pep Guardiola – Manchester City Oo Ogaaday In ay

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Wuu Iska Hadlayaa Pep Guardiola - Manchester City Oo Ogaaday In ay

Pep Guardiola ayaa maalin ka hor sheegay in kooxdiisu aanay awoodi karin in ay lasoo saxeexato xiddiga reer Norway ee Erling Haaland oo la sheegay in Borussia Dortmund ay ku xidhay lacag gaadhaysa 150 milyan oo Euro.

Tababaraha reer Spain oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey laacibkan ayaa sheegay in marka la eego duruufaha dhaqaale ee waqtigan ka taagan dunida, in ay adag tahay in kooxdiisu ay awooddo in ay bixiso lacagta intaas le’eg.

Waxa kale oo Guardiola uu tilmaamay in kooxdiisu ay haysato dookhyo kale oo ay ku buuxin karto booska uu bannaynayo Sergio Aguero oo xagaagan ka tegaya kooxda, sidaas darteedna aanay waqtigan diyaar u ahayn.

Hadalka Pep Guardiola ayaa lagu sheegay in uu fursad u noqonayo kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo danaynaya in ay helaan dhaliye dabiici ah oo tayo badan, laakiin warkaas oo dhan waxbaa ka dambeeyay.

Sida ay qoreen qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Ingiriiska, tababare Pep Guardiola ayaa u shax guuraya kooxaha kale, waxaanu ku khiyaamaynayaa hadal aan dhab ahayn, si kooxdiisu qaab hoose ugu dhamaysan karto heshiiska Erling Haaland.

Wargeyska Daily Star ayaa maanta daabacay, in Manchester City ay si dhab ah u doonayso Haaland, walibana ay diyaar la tahay 150 milyan oo Euro oo ay bixin doonto iyadoo faraxsan.

Warka ayaa intaa ku daray in qiimahan ay City u aragto mid macquul ah marka la eego tayada Haaland iyo da’diisa aadka u yar, isla markaana uu garoomada kusii jiri doono in ka badan 15 sannadood isagoo ciyaartoy weyn ah.

Wargeyska kale ee Daily Express ayaa cinwaan ka dhigay: “Haaland waa bartilmaameedka koowaad ee Manchester City ee waqtigan.”

Express waxa uu raaciyey qoraalkiisa, xaqiiqada qorshaha Man City ee ah in ay gacanta kusoo dhigto Haaland.

How do you rate this story?

0 votes