WOW: Maxay Tahay Sababta Uu Steven Gerrard Ugu Dabaaldegay Guushii

Tababaraha kooxda Rangers ee Steven Gerrard ayaa shaaca ka qaaday inuu ka helay qaabkii ay Arsenal u xaaqday dhigeeda Slavia Prague kulankii ka tirsanaa siddeed dhammaadka Europe League ee ay 4-0 kusoo guuleysteen.

Sababta uu Gerrard uga helay guushii Arsenal ee kulankaas ayaa ahayd inay kooxda ree Czech soo reebtay kooxdiisa Rangers wareegii ka horreeyay midkaas iyaga oo waliba cunsuriyad kusoo sameeyay mid kamida xiddigaha kooxdiisa.

Wareegii 16-ka gaar ahaan kulankii ka dhacay magaalada Glasgow ayay ahayd markii khadka dhexe ee Rangers ee Glen Kamara uu af-lagaado kala kulmay Ondrej Kudela oo ka tirsan Slavia Prague isaga oo ku yidhi “Waxaad tahay daanyeer xun” daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa Arbacadii ganaax 10 kulan ah ku riday Kudela kahor intii aysan Arsenal la kulmin Slavia Prague ee aysan samaynin calaamada ay kaga soo horjeedaan cunsuriyada ee ah inay jilibka dhulka dhigaan.

Kabtankii Arsenal ee ciyaartaas ee Alexandre Lacazette ayaa toos u wajahay xiddigaha Prague isaga oo jilibka dhulka dhigay kahor inta uusan 2 gool ka dhalinin ee aysan labada gool ee kalena raacsan Nicolas Pepe iyo Bukayo Saka iyadoo sababta kale ee xiisaha leh ay ahaayeen in saddexda xiddig ee goolasha dhaliyayba ay madaw ahaayeen.

.

Gerrard ayaa yidhi isaga oo kulankaas ka hadlayay “Waan jeclaystay waxkasta oo kulankaas ka dhacay, waan jeclaystay qaab ciyaareedkii Arsenal, waan jeclaystay qaabka ay uga hawl-galeen, waan la dhacay qaabka ay u shaqeeyeen kulanka kahor, kulanka dhexdiisa iyo kulanka kaddiba”

“Waan hubaa in Glen sidoo kale ka helay, laakiin anigu dhab ahaan waan la dhacsanaa daawashada qaab ciyaareedkii Arsenal ee habeen hore”

Arrinta xiisaha usii yeelaysay in Arsenal ay ka cidhib tirto tartanka Slavia Prague oo xataa jamaahiirteedu cunsuriyada ku taageereen ayaa ahayd in Glen Johnson oo ahaa xiddiga la cunsuriyeeyay uu kasoo baxay kana qayb ahaa mudo dheer akaademiga da’yarta ee Arsenal.

 

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More