Wayne Rooney Oo Xushay Ugu Fiican Ee England Kula Ciyaari Karto
Wayne Rooney ayaa soo xushay shaxda fikir ahaantiisa ugu fiican ee xulka qaranka England kula ciyaari karay Jarmalka oo ay Salaasada ku ballansan yihiin wareegga 16ka.
Gareth Southgate ayey horyaallaan go’aamo adag oo ah kala-doorashada ciyaartoydiisa, waxaanay wararku sheegayaan inuu isbeddello waaweyn samayn doono. Bukayo Saka iyo Jack Grealish ayaa qaab ciyaareed wanaagsan sameeyey kulankii Czech, halka Reheem Sterling uu ahaa laacibka labada gool ee Ingiriisku ka dhaliyey tartankan magaciisa ku qoray iyo Harry Kane oo ay adag tahay in la dhigo. Phil Foden oo isaguna qaab ciyaareed fiican la yimid kulankii Croatia ayaa doonaya inuu kusoo bilowdo.
Si kastaba, Wayne Rooney oo ah ciyaartoyga ugu goolasha badan xulka qaranka England ayaa warayska Sunday Times waxa uu u sheegay shaxda ugu habboon ee fikir ahaantiisay ay la tahay in lagu soo bilaabo, waxaanu kaydka u diray Jack Grealish oo uu ka doorbiday Marcus Rashford.
Waxa kale oo uu ciyaartoyda fadhida ku daray Phil Foden, Bukayo Saka iyo Jadon Sancho oo saddexdii ciyaarood ee horena fadhiyey. Sidoo kale, Bellingham ayaan boos ka helin Wayne Rooney.
Laacibkan hore ayaa afka hore ee weerarka u doortay Harry Kane, Marcus Rashford iyo Raheem Sterling, halka khadka dhexena uu xushay Kalvin Phillips, Jordan Henderson iyo Declan Rice.
Difaaca ayuu awoodda saaray oo uu afar laacib iskugu keenay, waana Harry Maguire, John Stones, Luke Shaw iyo Kyle Walker.
Shaxda oo dhamaystiran:
Goolka: Jordan Pickford
Difaaca: Luke Shaw, Harry Maguire, John Stones iyo Kyle Walker.
Dhexda: Declan Rice, Jordan Henderson iyo Kalvin Phillips
Weerarka: Marcus Rashford, Harry Kane iyo Raheem Sterling.