Wayne Rooney Oo Guardiola Dusha Ka Saaray Eeda Dhibaatada Xulka England Ee Euro 2024.

Xidigii hore ee Manchester United iyo England Wayne Rooney ayaa dhaleeceyn lama filaan ah u jeediyay tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola.

Rooney ayaa BBC-da la falanqeeya koobka qaramada Yurub, wuxuuna si faah faahsan uga hadlay qaab ciyaareedka aan lagu qanci karin ee xulka England ee tartanka.

England ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka tirsan heerka Group-yada iyaga oo gaaray 5 dhibcood iyaga oo dhaliyay kaliya 2 gool.

Ka hor kulanka maanta ee Slovakia, weeraryahankii hore ayaa ka hadlay qaar ka mid ah sababaha ka dambeeya qaab ciyaareedka Liita ee xulka England.

“Waxaan u maleynayaa in ciyaartu ay noqotay mid meel dhexe ah, iyadoo kooxuhu ay isku dayayaan inay dhaliyaan goolal qurux badan”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waxa aan u malaynayaa in ay khaladka tahay Pep Guardiola. “Wuxuu keenay taas, laakiin waxay u muuqataa in qof walba uu ku dhibtoonayo inuu abuuro fursado cad.”

Xulka England ayaa u baahan in ay waji cusub la soo baxaan hadii ay doonayaan in ay badiyaan kulanka Slovakia ee caawa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More