“Waxaan Ahay Difaac Ay Ku Jirto Ruuxdii Weeraryahannadu” – Achraf

Difaaca ay shalay saxeexiisa ku dhawaaqday PSG ee Achraf Hakimi ayaa sharraxaad ka bixiyey qaab ciyaareedkiisa, waxaanu isku tilmaamay ‘difaacyahan ay ku jirto ruuxdii weerarku’, isagoo dhinaca kalena ballan-qaaday in uu tayadiisa ku caawin doono kooxdiisa cusub.

Achraf Hakimi ayaa kasoo baxay kulliyadda Real Madrid oo uu joogay illaa markii uu toddoba jirka ahaa, laakiin waqti uu amaah ugu maqnaa Borussia Dortmund kaddib, waxay kooxda reer Spain ka iibisay Inter Milan iyadoon wax  fursad ah laga siinin Santiago Bernabeu. Xilli ciyaareed kaliya oo uu joogay ayuu kula guuleystay horyaalka Serie A oo ay ugu dambaysay 2009-10.

Inkasta oo heshiiskiisa Giuseppe Meazza ay ka hadhsanaayeen afar bilood, haddana difaaca reer Moroco ayaa soo afjaray waayihiisa Inter, waxaanu u wareegay PSG oo la bixisay 70 milyan oo Euro, waxaanu qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah.

22 jirkan ayaa markii u horreysay la hadlay warbaahinta PSG, waxaanu tilmaan ka bixiyey qaab ciyaareedkiisa, isagoo yidhi: “Waxa aan ahay difaacyahan ay ku jirto ruuxdii weeraryahanku! Waxa aan jecelahay in aan ka qayb-qaato weerarka, in aan noqdo weerarar, waxaanay ila tahay inay joogaan ciyaartooyo waaweyn oo i caawin doona.”

Achraf Hakimi ayaa PSG u xidhan doona No.2.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More