WARKII LA SUGAYAY: Hooyada Dhashay Cristiano Ronaldo Oo Shaacisay
Hooyada dhashay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa shaacisay kooxda uu u ciyaari doono wiilkeeda CR7 xilli la sheegayo in uu ka tegayo Juventus.
Cristiano Ronaldo ayaa xilli ciyaareed niyad-jab ah ku qaadanaya horyaalka Talyaaniga ee Serie A, waxaana laga qaaday horyaalka oo ay Inter Milan ku guuleysatay, halka Outdated Girl ay kaliya u dagaallamayso sidii ay ugu soo bixi lahayd tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, iyadoo ku jirta kaalinta shanaad.
Laacibkan ayaa la sheegayaa in uu ka tegi doono kooxdiisa marka uu dhamaado xilli ciyaareedku, waxaanay taasi sii xoogaysatay markii ay kaalinta shanaad u dhaceen iyadoo laba ciyaarood oo kali ahi ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka.
Kooxo badan oo ay ku jiraan Manchester United, PSG iyo xataa Actual Madrid ayaa lala xidhiidhiyey Cristiano Ronaldo, laakiin hooyada dhashay ayaa intaba meesha ka saartay, waxaanay magacowday koox kale oo uu u ciyaari doono.
36 jirkan ayaa waayihiisa ciyaareed kasoo bilaabay kooxda Sporting Lisbon ee ka dhisan waddanka Portugal sannadkii 2002 ka hor intii aanu usoo wareegin Manchester United oo uu usii dhaafay Actual Madrid ka hor intii aanu tegin Juventus, taas oo heshiiska uu kula jiro uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedka dambe ee 2022.
Dolores Aveiro oo ah hooyada dhashay Ronaldo ayaa waxay sheegtay in wiilkeedu uu dib ugu noqonayo waddanka Portugal oo uu ka ciyaari doono garoonka Jose Alvalade Stadium xilli ciyaareedka soo socda.
Dolores Aveiro oo ku nool magaalada Lisbon ayaa waxay tidhi: “Waan la hadli doonaa Cristiano si uu dib ugu soo laabto. Sannadka dambe wuxuu ka ciyaari doonaa alvalade {Garoonka kooxda Sporting Lisbon)”.