Mid Garoonka Dhexdiisa Ka Ooyey Iyo Laacibkii Sida Carruurta Iskuulada
Manchester United ayay u ahayd habeen aan u wanaagsanayn, waxaana garoonkeeda Previous Trafford ku burburisay kooxda ay aadka isku neceb yihiin ee Liveprool oo ku garaacday 4-2.
Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa guul-darradii labaad ugu xambaarisay Manchester Untied garoonka Previous Trafford saddex maalmood gudahood, waxaana waji-gabaxaas u xambaariyey Diogo Jota, Roberto Firmino iyo Mohamed Salah.
United waqti hore ayay xaqiijisatay booskeeda Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, laakiin labada natiijo ee labada guul-darro ee isku xiga ee Previous Trafford ay ugu geysteen Liverpool iyo Leicester Metropolis saddex maalmood gudahood, waxay walwal gelinaysaa Solskjaer oo ay kooxdiisu isha ku hayso ciyaarta finalka Europa League ee ay la ballansan yihiin Villarreal laba toddobaad kaddib.
Halyeygii hore ee Manchester United ee Roy Keane oo muddo dheer kabtan usoo ahaa kooxdan ayaa waxa uu saluug badan ka muujiyey qaab ciyaareedka laacibiinta kooxdiisa hore, waxaanu si gaar ah u weeraray shan ciyaartoy oo uu sheegay in ay sabab u ahaayeen guul-darradii Khamiistii.
Roy Keane waxa uu sheegay in Bruno Fernandes, Luke Shaw, Fred, Scott McTominay iyo Dean Henderson ay intuba ahaayeen kuwa liitay ee guul-darradan u keenay kooxdooda.
“Manchester United waxay la timid bandhig aad u liita iyo qalbiga ay fiqiir ka ahaayeen. Ole wuxuu u muuqdaa in uu ku jiro xayndaab naxdin leh. Maalmo yar oo adag ayay yu yihiin United.” Ayuu yidhi Roy Keane.
Kabtanka hore ee Manchester United ee Roy Keane, waxa uu sheegay in garoonka uu ka dhex ooyayey Bruno Fernandes qayb dhan oo ciyaarta ah, waxaanu yidhi: “Ma doonayo in aan dhalleeceeyo Fernandes, laakiin qayb dhan ayuu caawa garoonka dhexdiisa ka ooyayay.”
Waxa uu intaa ku daray: “Ciyaaryahanadda United waxay daawanayaan sida Liveprool kubadda u laadayso, una ciyaarayso, laakiin kaliya waxaad ku joojin kartaa dhaawac madaxa ah. Waxa aan karayaa laba ciyaartoy oo khadka dhexe ah, Scott McTominay iyo Fred, inta ay labadan ciyaartoy dhexda uga ciyaarayaan Manchester United kuma guuleysan doonto wax koobab ah.”
Luke Shaw ayaa uu isagana dhalleeceeyey, waxaanu tilmaamay in uu sida carruurta u dheelayo, isagoo yidhi: “Shaw, wuxuu u icyaarayaa sida ciyaal iskuulka, Liverpool na waxay joogtaa lugihiisa horteeda. Maguire ayaa maqan, waxayna samaynayaan qaladaadkii ciyaal iskuulka.”