WARBIXIN: Zidane, Ramos, Varane, Marcelo, Isco, Lucas… Halyeeyada
Indhaha oo dhan waxay ku foogan yihiin Actual Madrid oo garoonkeeda Estadio Alfredo Di Stefano kusoo dhoweynaysa. Taasi waa maalinta la go’aaminayo horyaalka Spain ee LaLiga Santander. Wax kasta oo ay noqoto natiijada kasoo baxda Valdebebas, waxa jiri doona go’aamo kasoo bixi doona kooxda toddobaadyo gudahood.Qaar ayaa noqon doona kuwo walwal leh oo la xidhiidha magacyada waaweyn.
Mustaqbalka Sergio Ramos, Raphael Varane,Marcelo, Isco iyo Lucas Vazquez ayaa dhamaantood cirka ku laalan, halka Zinedine Zidane uu u muuqdo in uu mar horeba macasalaameeyey kooxdiisa.
Haddii uu joogo ama uu tago Zidane, Actual Madrid waxay waajahaysaa isbedello qolka lebbiskeeda ah xagaagan.
Xaaladda qallafsan ee Ramos
Kabtanka Actual Madrid ee Sergio Ramos ayaa bixitaankiisu noqonayaa midka ugu xaasaasisan, sababtoo ah waxay kooxdu luminaysaa laf-dhabarkeedii 16kii sannadood ee ugu dambeeyey. Heshiiska uu kula jiro kooxda ayaa ku eg bisha June ee foodda innagu soo haysa, waxaana muuqata in ay kala aragti duwan yihiin Florentino Perez oo isagu doonaya in uu sannad kali ah oo heshiis ah siiyo, halka Ramos uu ugu yaraan laba sannadood dalbanayo.
Haddii aan arrinta la xallin {maba muuqato e} waxa uu Ramos ka tegi doonaa Actual Madrid xagaagan. Haddii uu ciyaaaro kulanka Villarreal ee Sabtida oo uu shaki ku jiro taam ahaanshihiisa waxa suurtogal ah in ay u noqoto midkii uu kooxda ku macasalaamayn lahaa. Laakiin Zinedine Zidane ayaaban fursaddaas siin doonin sababtoo ah waxa uu ku ciyaari doonaa Nacho iyo Eder Militao oo ah labada difaac ee uu ugu kalsoonida badan yahay waqtigan.
Bixitaanka Varane
Waa garabkii waqtiga dheer ee Ramos, waxa uu ka bixi karaa albaabka Santiago Bernabeu xagaagan si la mid ah Sergio Ramos. Laacibkan reer France ayuu heshiiskiisu ku eg yahay dhamaadka xilli ciyaareedka dambe ama June 2022, sidaas darteed ayay Actual Madrid u iibin doontaa xagaagan haddii ay ku hesho lacag gaadhaysa 60 illaa 70 milyan oo Euro.
Actual Madrid ayaa fahamsan in Varane ay tahay inay iibiyaan haddii aanu saxeexin qandaraas cusub, umana arkaan in bixitaankiisu dhib ku tahay sababtoo ah waxay soo dhoweynayaan David Alaba oo si bilaash ah ugu imanaya.
Lucas waa Ramos kale
Sida Ramos oo kale Lucas Vazquez ayaan wali saxeexin heshiis cusub iyadoo qandaraaskiisii hore ee Actual Madridna uu dhacayo xagaagan. Laacibkan kasoo baxay kulliyadda da’yarta Actual Madrid, ayaa kooxdan kusoo laabtay sannadkii 2015 isagoo ilaa waqtigaas ka mid ahaa xiddigaha muhiimka ah, laakiin hadda ayuu garaacayaa albaabka bixitaanka haddii aanay kooxdu u fulin dalabyadiisa.
Dhamaadka cahdigii Isco iyo Marcelo
Laba ka mid ah ciyaartoyda bandhiggoodu joogtada ahaa waqtigii ay kooxdu ku guuleysanaysay afarta Champions League. Isco iyo Marcelo ayaa hadda lagu daray liiska badeecadda dhacday ee kooxda, waxaanay Los Blancos doonaysaa in ay iska tagaan.
Zidane ayaa labadan ciyaartoy aan mudnaan badan siinin tan iyo intii uu kusoo noqdo kooxda sannadkii 2019, sidoo kalena waqtigii uu kasii tegayay 2018 ayey ahaayeen kuwo aanu la dhacsanayn ciyaaartooda.
Zidane oo markii saddexaad macasalaamaynaya Actual Madrid
Qarsoodi maaha in la filayo in Zidane aanu ahaan doonin tababaraha Actual Madrid ee xagaaga dambe. Kaddib markii uu macasalaameeyey isagoo ciyaartoy ah sannadkii 2006 iyo isagoo tababare ah sannadkii 2018, mar kale ayaa uu Zidane kasii jeedaa kooxdan.
Tababaraha reer France ayaa u qaaday horyaalka LaLiga sannadkii hore, waxaanu koobkaasi u noqday midkii 11aad ee uu u qaaday kooxdan muddo shan sannadood oo uu tababare u ahaa. Laakiin mar kale ayuu dareensan yahay in ay tahay, in isbeddel la sameeyo.
Si kastaba, Actual Madrid ayaa toddobaadkani xaasaasi u yahay, waxaana ciyaarta Villarreal oo haddii ay guuleystaan, lagana badiyo ama la barbarreeyo Atletico Madrid ay ku qaadayaan horyaalka LaLiga, u raaci doona isbeddel weyn oo ka dhici doona qolka lebbiska.