WARBIXIN: Tuchel Oo Sii Wada Qorshaha Chelsea Ee

Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa u muuqda mid dejiyay qorshaha kooxdiisa ee suuqa xagaaga sanadkan iyadoo hadda ay saxaafadu hadal hayso liis ka kooban afar xiddig oo daafacyo ah oo uu mid ahaan lasoo wareegi karo.

Chelsea ayaa ugu horreynba la rajaynayaa inay qayb ka noqon doonto kooxaha doonaya saxeexa weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland oo ay inay la wareegaan doonayaan inta badan kooxaha Yurub ugu waaweyni.

Laakiin sidoo kale Chelsea ayaa doonaysa inay saxeexa daafac isha ku hayso iyadoo ay jirto hubaanti la’aan mustaqbalka ah oo ka taagan heshiisyada daafacyadeeda hadda ee Thiago Silva, Antonio Rudiger, Andreas Christensen iyo Cesar Azpilicueta.

Chelsea ayaa ahayd mid daafac ahaan aad u wanaagsan tan iyo markii uu masuuliyada tababarenimo ee kooxdeeda la wareegay Tuchel iyadoo 14 kulan oo uu hoggaamiyay 12 kamid ah ay shabaq nadiif ah ku baxeen.

Hadda sida ay sheegayso shabakadda Goal, Tuchel ayaa doonaya mid kamida afar daafac si ay kooxdiisu xilli ciyaareedka dambe horyaalka ugu tartami karto.

Daafaca ugu horreeya ee ay Blues saxeexiisa isku dayi doonaan ayaa ah David Alaba kaas oo heshiiskiisa Bayern Munich dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan, 28 sano jirka ree Austria ayaa doonaya inuu mid ahaan Barcelona ama Real Madrid ku biiro.

Sidoo kale 25 sano jirka ay Alaba ka wada tirsan yihiin Bayern ee Niklas Sule ayaa kamid ah liiska isaga oo sidoo kale awood u leh inuu booska daafaca midig ka ciyaaro.

21 sano jirka daafaca dhexe ee RB Leipzig ee Ibrahima Konate ayaa ah magaca saddexaad ee liiska ku jira walow ay adkaan doonto in kooxdiisu ay fasaxdo maadaama oo ay xilli horeba Bayern Munich kula heshiisay iibka Dayot Upamecano.

Ugu dambayn, daafaca dhexe ee Atletico Madrid ee Jose Maria Gimenez ayaa isaguna kamida xiddigaha ay Chelsea isha ku hayso, daafaca ree Uruguay ayaa dhawr jeer si cad u sheegay riyadiisa ah inuu Chelsea u ciyaaro walow heshiiskiisa lacag 103 Milyan oo pound ahi ku xidhan tahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More