Wararka SUUQA: Koox Yar Oo Chelsea Saxeex Ku Garaacday, Arsenal Oo

Harry Kane iyo Jack Grealish oo ka kala tirsan Tottenham iyo Aston Villa ayaa ah bar-tilmaameedyada koowaad ee Man City ka leedahay suuqa xagaagan. (The Athletic – subscription required)

Sidaas oo ay tahay hadddana Grealish ayaa la filayaa inuu heshiis cusub u saxeexo Aston Villa. (Birmingham Mail)

Real Madrid ayaa xilli ciyaareed kale haysan doonta Gareth Bale oo aysan helin wax dalabaad ah oo laga soo gudbiyay kaddib markii uu sanad amaah kusoo qaatay Tottenham. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Arsenal ayaa heshiis 50 Milyan oo pound ah Brighton kula heshiisay iyaga oo kasoo qaadanaya daafaca dhexe ee Ben White oo 23 sano jir ah. (The Athletic – subscription required)

Crystal Palace ayaa rajaynaysa in dedaalada ay kooxda ugu xoojinayso tababare Patrick Vieira ay Wilfred Zaha oo 28 sano jir ah ku qancin doonto inuu kooxda sii joogo. (London Evening Standard)

Manchester United ayaa tababaraheedii hore ee Jose Mourinho kahor istaagtay heshiiska uu qaabka amaahda ah ugu doonayay daafaceeda bidix ee Alex Telles. (Sky Sports Italia, in Italian)

Inter Milan ayaa kor u qaaday heshiiska ay ku doonayso daafaca Arsenal ee Hector Bellerin balse kooxda kusoo guuleysatay Serie A ayaa hal sano oo amaah ah ku rabta halka Gunners ay heshiis rasmi ah oo 15 Milyan oo pound ah dalbanayaan. (Sun)

Cristiano Ronaldo oo lala xidhiidhinayay kooxaha Man United iyo Paris Saint-Germain ayaa sii joogi doona kooxdiisa Juventus isaga oo xataa saxeexi kara heshiis kordhin hal sano oo kale ah oo uu mushahar dhimis ku samaynayo. (Gazzetta dello Sport – in Italian)

Tottenham tababaraheeda cusub ee Nuno Espirito Santo ayaa ku jeedsan kara kooxdiisii hore ee Wolves marka uu saxeexyo cusub samaynayo xagaagan, waxa lala xidhiidhinayaa Willy Boly oo daafaca dhexe ah iyo garabka weerar ee Daniel Podence. (Talksport)

Dhinaca kale Tottenham ayaa heshiis amaah ah oo ay xilli ciyaareedka dambe si rasmi ah u iibsan karto ku doonaysa goolhayaha kooxda Atalanta ee Pierluigi Gollini. (Sky Italia – in Italian)

Burnley ayaa kooxda Champions League kusoo guuleysatay ee Chelsea ku garaacday saxeexa goolhaye Wayne Hennessey oo Crystal Palace laga sii daayay. (Football Insider)

Harry Wilson ayaa kamida xiddigaha ay doonayso inay Liverpool iibiso waxaana ay aqbali doonta adalab 10 Milyan oo pound ah haddii laga soo gudbiyo xilli lala xidhiidhinayo Brentford, West Brom iyo Benfica. (Mirror)

Sassuolo ayaa doonaysa 25 sano jirka Liverpool ee Marko Grujic haddiiba Manuel Locatelli oo lala xidhiidhinayo Juventus iyo Arsenal uu ka baxo xagaagan. (Sky Sports)

Atletico Madrid 26 sano jirkeeda khadka dhexe ee Saul Niguez oo lala xidhiidhinayo inuu heshiis lagu dhaafsanayo Antoine Griezmann ugu biirayo Barcelona ayay sidoo kale xiisaynayaan Chelsea iyo Man United. (AS – in Spanish)

Atletico ayaa ah kooxda ugu cad cad saxeexa Griezmann balse sidoo kale Man City, Chelsea iyo Liverpool ayaa lagu wargeliyay in qiimo jaban lagu heli karo xagaagan, ugu yaraan laba kooxood oo Premier League ah ayaa wakiilkiisa la hadlay xagaagan. (90min)

Liverpool ayaa isku dayi karta saxeexa Houssem Aouar oo Lyon ka tirsan oo lala xidhiidhinayay Arsenal, Tottenham iyo Man United. (ESPN)

England daafaceeda Kieran Trippie oo ka tirsan Atletico Madrid ayaa ku niyad-san inuu Man United ku biiri doono xagaagan. (Manchester Evening News)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More