WAR DHAN: Mustaqbalka Messi Ee Barcelona Oo Dhinac U Dhacay & Kooxda
Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu saxeexida heshiis kula heshiiyay kooxdiisa Barcelona balse uu kaddib heshiiskaas ku biiri doono koox kale oo ay xataa Barca la ogoshahay.
Messi ayaa ku dhawaaday suuqii xagaaga ee sanadkii hore inuu iskaga tago Camp Nou, haatan markale mustaqbalkiisa ayaa ah mid aan meel si rasmi ah loogu hubin.
Si kastaba, sida uu sheegayo wargeyska Sport Messi ayaa ku dhaw inuu heshiis cusub oo laba sano ah u saxeexo Blaugrana kahor inta uusan heshiis kale oo laba sano ah ugu wareegin kooxda David Beckham ee Inter Miami.
Warbixinta ayaa sheegaysa in Messi uu laba xilli ciyaareed ku qaadan doono magaalada Miami kahor inta uusan ku laabanin Barca oo uusan kamid noqon maamulka sarre ee kooxdaas isaga oo guud ahaan heshiis tobban sano ah u saxeexaya kooxda.
33 sano jirkaas ayaa lagu soo warramayaa inuu mushahar dhimis weyn samayn doono marka uu saxeexayo heshiiskan cusub maadaama oo uu ku qancay balaadhnaanta heshiiska oo sanado badan ah oo guud ahaan 10 sano isku tagi kara marka la isku daro inta uu ciyaaryahan u ciyaarayo iyo inta uu kooxda wakiilka u noqon doono labadaba.
Messi ayaa dhawaan u muuqday mid qish ka bixiyay heshiiskaas cusub ee uu saxeexayo markii uu xusay inuu doonayo inuu sii wado xidhiidhada uu kooxda la leeyahay xataa isaga oo koox kale u ciyaaraya.
Leo oo la hadlayay La sexta ayaa yidhi “Qorshahaygu waa inaan kooxda siiyo waxkasta oo aan awoodo wakhti xaadirkan”
“Waxaan jeclaan lahaa inaan ka ciyaaro Maraykanka oo aan khibrad ka helo nolosha iyo horyaalka halkaas laakiin ugu dambayn aan Barcelona kusoo laabto”