WAR BUUXA: Florentino Perez Oo Meel Saaray Wararka Sheegaya In Real

Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez oo dhawaan bixiyay waraysi dhinacyo badan taabanayay ayaa ka hadlay wararka sheegaya in ciyaaryahankii hore ee kooxdiisa ee Cristiano Ronaldo oo hadda ka tirsan Juventus ay dib ula soo wareegayaan.

- Advertisement -

Mustaqbalka xiddiga shanta jeer kusoo guuleystay Ballon d’Or ee Juventus ayaa ah mid aan caddayn iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ay kooxda qudheedu doonayso inay iska iibiso maadaama oo mushaharkiisu ku batay.

Hubaanti la’aanta ka taagan mustaqbalka Ronaldo ayaa keentay in lala xidhiidhiyo inuu ku laabanayo Real Madrid oo uu sagaal xilli ciyaareed wacdarro kusoo dhigay balse Perez ayaa hadda si buuxda u caddeeyay inaysan dib ula soo wareegi doonin 36 sano jirkaas.

Perez oo la hadlayay El Larguero ayaa yidhi “Wararka xanta ah ee sheegaya in Cristiano Ronaldo uu kusoo laabanayo Real Madrid waa kaliya warar xan ah oo ka yimid dadka ku dhaw, waxba ma jiraan”

Ronaldo ayaa sanadkii 2018 iskaga tagay Real Madrid isaga oo wakhtigaas u wareegay dhinaca kooxda Allianz Stadium si uu loolan cusub iyo horyaal cusub iskugu tijaabiyo balse wakhtigiisa magaalada Turin ayaa ilaa hadda ku fashilan wixii laga filayay markii hore.

Ronaldo ayaa laba horyaal Serie A kula soo guuleystay Juventus balse ku fashilmay inuu ugu yaraan afar dhammaadka Champions League gaadhsiiyo iyadoo laba jeer wareega 16-ka lagu dilay halka mar siddeed dhammaadka lagu reebay. Waxa xusid mudan in koobka ay hanashadiisa Juventus ula wareegtay Ronaldo uu ahaa UCL.

Sidoo kale u wareegista Ronaldo ee dhinaca Juventus ayaa ah mid saamaysay dhaqaalaha kooxdaas, 36 sano jirkaas ayaa 28 Milyan oo pound ka qaata sanadkii.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More