“Waan Hubaa, Shaki Iigama Jirto” – Alan Shearer Oo

Alan Shearer ayaa sheegay inuu hubo in midkood Liverpool ama Manchester City inay ku guuleysan doono Premier League xilli ciyaareedkan inkastoo ay tartan kala kulmayaan kooxaha Tottenham, Leicester City iyo Chelsea.

Kooxda Brendan Rodgers ee Leicester City ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu danbeysay iyagoo hogaanka u qabtay hogaanka Premier League ka hor inta aan la aadin fasaxa kulamada heerka caalami.

Dawacooyinka waxay hal dhibic ka sareeyaan kooxda Jose Mourinho ee Tottenham iyo kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool iyadoo Southampton iyo Chelsea aysan meel u dheer u jirin hogaanka horyaalka.

Manchester City oo ku guuleysatay Premier League xilli ciyaareedyadii 2017-18 iyo 2018-19 ayaa haatan ku jira kaalinta 11aad laakiin waxay barbaro 1-1 kala kulmeen Liverpool kulankii Etihad Stadium ee Axadii.

Shearer ayaa soo dhaweeyay saadaal la’aanta horyaalka ee xilli ciyaareedkan laakiin wuxuu filanayaa in Liverpool iyo Manchester City ay ka sarre mari doonaan kooxaha kale.

Maqaal uu ku qoray shabakada BBC Sport, wuxuu ku yiri: “Waxaan weli arkaa Liverpool iyo Man City oo ka dhex muuqda kooxaha kale ee Premier League, waxaan qabaa in mid ka mid ah uu ku guuleysan doono horyaalka. Laakiin Leicester City iyo Tottenham ayaa wax ka dhihi doona taas.

“Liverpool weli waxa ay argagax gelin kartaa kooxaha marka ay weerar soo qaadayaan, si la mid ah Man City ma ahan koox dhawaan muuqbeeleysa.

“Xilli ciyaareedkan malaha waa mid aan saadaalin karin, laakiin mid ka mid ah ayaa hanan doonta horyaalka, taas waan hubaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More