WAALLI: Isbar-Bardhiga Mushaharkii Uu Sergio Aguero Ka Qaadan Jiray

Weeraryahanka cusub ee kooxda Barcelona ee Sergio Kun Aguero ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay inuu u ciyaaro kooxdaas xilli haatan lasoo bandhigay mushaharka aadka uga hooseeya midkii uu hore u heli jiray ee uu ka aqbalay.

Aguero ayaa la fahamsan yahay inuu mushahar aad u badan ka qaadan jiray City balse mid kii hore aad uga duwan hadda kula jooga sida uu sheegayo wargeyska Spain kasoo baxa ee Mundo Deportivo.

Aguro ayaa Man City sanadkii mushahar ahaan 23 Milyan oo euro ka qaadan jiray balse arrinta mucjisada ah ayaa ah inuu 17 Milyan oo euro hoos u dhacay oo uu Barcelona kaliya 6 Milyan oo euro sanadkii kula heshiiyay.

Xiddiga Argentine-ka ah ayaa aqbalay in aysan lacagtu muhiim ahayn balse ay muhiim tahay inuu ku ciyaaro meel uu farxad ku dareemayo.

Warbixinta Mundo Deportivo ayaa intaas ku daraysa in marka laga yimaado mushahar dhimista 74% ka ah ee uu sameeyay Aguero uu bedelkeeda lacago dheeri ah ku heli karo gunnooyin shuruudo kala duwan ah.

32 sano jirkaas ayaa Barcelona lacagahaas dheeriga ah kaga heli doona kulamada uu ciyaaro, koobabka uu kooxda kula guuleysto iyo tirada goolasha uu u dhaliyo.

Saxeexa Aguero oo ahaa mid ay Barcelona sii qorshaysay bilooyin kahor ayaan kaliya dhammaystirkiisa aysan fududayn inuu mushahar dhimis weyn sameeyay balse sidoo kale ciyaaryahanka ayaa aqbalay inuusan markasta shaxda joogto ka ahaan doonin balse keydka laga adeegsan karo wakhtiyo badan.

Rabitaanka ah inuu xidho maaliyada Barcelona kana garab ciyaaro saaxiibkii Lionel Messi ayaa ahaa mid ku weyn Aguero xilli ay labadaas xiddig kahor midawgooda Barcelona ku midoobi doonaan Copa America iyo xulka Argentina bishan June.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More