Waakan Loolanka Ay Real Madrid Hordhigtay Carlo Ancelotti & Tobbanka
Tababaraha cusub ee kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ah mid la hor dhigay loolan cusub xilli uu bilaabanayo wakhtigiisii labaad ee uu ku qaadanayo kooxdaas, shuruudaas ayaa ah inuu horumarin ku sameeyo da’yarta kooxda.
Los Blancos ayaa u sheegay Ancelotti inaysan wali wax ay ku qancaan oo muuqda ka helin lacagtii ay ku bixiyeen xiddigaha mustaqbalka fiican leh.
Madaxda Real Madrid ayaa aaminsan in tababaraha ree Talyaani yahay midka ku haboon ee horumarin ku samayn kara xiddigahaas da’yarta ah oo la joogo wakhtigii ay iyaguna qiimahooda muujin lahaayeen.
Real Madrid ayaa noqon doonta mid aan dhaq-dhaqaaq badan ka samaynin suuqa xagaagan ilaa ciyaartoy weyni noqdo mid la heli karo waana sababta ay u dareemayaan in xilli ciyaareedka soo socdaa uu yahay midkii ay da’yartooda horumarin ku samayn lahaayeen.
Haddaba, su’aasha ayaa ah imisa kamida xiddigaha da’yarta ah ee Los Blancos ayaa xilli ciyaareedka dambe samayn kara horumarka balaadhan ee ay kooxdoodu ka filanayso?
Tobbanka da’yar ee uu Carlo horumarin karo ayaa kala ah Andriy Lunin, Eder Militao, Vinicius, Fede Valverde, Martin Odegaard, Luka Jovic, Rodrygo, Brahim Diaz, Reinier iyo Take Kubo.