Waa Kuwan Afarta Xiddig Ee Ay Liverpool U Kala Dooranayso Beddelka

Kaddib bixitaankii Georginio Wijnaldum, Liverpool ayaa uu usoo yeedhay war kale oo aanay jeclaysanin oo ah in uu sidoo kale bixitaan doonayo kabtankooda Jordan Henderson oo laba sannadood ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa, kaas oo sidii laacibka hore oo kale iska diiday inuu heshiis cusub saxeexo.

Tababare Jurgen Klopp oo ay hore ugu adkayd raadinta ciyaartoygii buuxin lahaa booska uu banneeyey Wijnaldum, isla markaana dhawr ciyaartoy diiradda ku haya, ayaa haddana maqlaya warka ah in Henderson uu isagana beddelkiisa diyaarsado, laakiin waxay xaqiiqadu tahay in kabtan Jordan uu sii joogayo xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa tallaabada u horreysa ee ay qaadayso ay tahay inay soo hesho ciyaartoygii ay ku beddeli lahayd Wijnaldum si ay dhexdeeda u xoojiso, uguna tartami karto horyaalka Premier League ee ay xilli ciyaareedkii hore difaacan kari weyday, isla markaana ay kaalinta saddexaad sida dirqiga ah ku timid.

Afar ciyaartoy ayaa Jurgen Klopp u calaamadsan oo uu doonayaa in uu ka dhigto xiddigaha cusub ee uu safkiisa ku xoojinayo, waxaana uu afartan uga baahan yahay laba kaliya, si ay boosaska Wijnaldum iyo Henderson u galaan.

Suuqan xagaaga ee socda ayey Reds qirsan tahay inay qasab ku tahay, in ugu yaraan hal ciyaartoy oo khadka dhexe ah ay la soo saxeexdaan, sannadka dambena ay raadiyaan xiddigihii dibu-firfircoonaysiinta noqon lahaa, isla markaana Henderson booskiisa iman lahaa.

Ciyaartoyga ugu horreeya ee Klopp uu doonayo inuu yimaado Anfield ayaa ah laacibka khadka dhexe uga ciyaara Leicester City ee Youri Tielemans oo xilli ciyaareedkii hore dhaliyey goolal u dhigma inta ay dhaliyeen isu-geyn dhamaan ciyaartoyda khadka dhexe ee Liverpool.

23 jirkan reer Belgium oo bandhig fiican ka sameeyey horyaalka xilli ciyaareedkii hore, ayuu Klopp u arkaa in uu yahay mid u shaqayn karaya sidii Wijnaldum amaba kasii fiican.

Saddexda ciyaartoy ee kale ayaa  kala ah: Houssem Aouar oo u ciyaara Lyon, da’diisuna tahay 22 jir, Fanck Kessie oo AC Milan ka tirsan, ahna 24 jir sannadkii ugu dambeeyey uu galay heshiiskiisu oo xagaaga dambe si xor ah lagu heli karayo iyo Saul Niguez oo Atletico Madrid dhexda uga ciyaara.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More