Waa Kuma Xiddiga Premier League Ee Qalbiga Ka Xaday Quruxleydii Uu
Waa Maria Guardiola oo uu dhalay tababaraha Manchester Metropolis ee Pep Guardiola, waxay la fadhidaa xiddig Premier League ah, waxaana lagu xaday sawir xilli ay xaalad kale ku jiraan, taasina waxay ka cadhaysiinaysaa aabbaheed oo aan jecalysanayn in ciyaartooyo ay garoomada ku xafiiltamaan ay inanta uu dhalay qalbiga ka xadaan.
- Advertisement -
Maria Guardiola oo ay da’deedu tahay 20 jir, ayaa waxay dhawr jeer kasoo muuqatay garoomada kubadda cagta sannadihii ugu dambeeyey xilliyo ay Manchester Metropolis ku guuleysatay koobab, markaas oo ay iyada iyo xubnaha kale ee qoysku ay garoonka usoo raaceen Guardiola, kulana damaashaadeen.
Laakiin hadda halka lagu arkay maaha garoon, maaha meel ay dad kale joogaan, waase iyadoo la dhunkanayo/shuminayo oo waliba sii jeedda oo garabka haysata ciyaartoy Premier League ah, waxaana lagu xaday sawir aanay ogeyn.
Xiddiga kooxda kubadda cagta Tottenham ee Dele Alli ayaa xidhiidh jacayl la bilaabay Maria Guardiola, waxaana lagu arkay iyagoo jooga hotelada wax lagu cabbo ee magaalada London.
Dele Alli oo xilli ciyaareedkan oo dhan kaydka Tottenham ku jiray amaba aan marar badan lagu soo darin liiska ciyaartoyda ee garoomada imanaya, waxa uu waqtigii niyad-jabkiisa iskaga baabi’iyey xidhiidh uu la bilaabay quruxleyda uu dhalay Pep Guardiola ee Maria Guardiola.
Laacibkan oo ay dhowaan isku dhaceen jacaylkiisii hore ee Rugby Mae oo 23 jir ahayd, kuna eedaysay in kaliya uu waqtiga ka luminayo, waxa uu markiiba xidhiidh la bilaabay Maria Guardiola.
Xidhiidhkan ayaa waxa la fahamsan yahay in uu bilaabmay bishii hore, laakiin waxay yihiin kuwo indho adag oo aan cidna u joojin, dariiqyadana waxay doonaan ku samayn kara.
Qof ka agdhow Dele Alli ayaa wargeyska The Solar u sheegay: “Dele iyo Maria uma muuqdaan in ay adduunyada kaleba dan ka leeyihiin. Dan kama laha cidda arkaysa iyagoo isku dhunkanaya meesha ay doonaan.
“Boqollaal qof ayaa daawanayay, dhamaan kuraasta waa lasii qabsaday waanay buuxeen, waxa se layaab ahayd in Dele iyo Maria aanay mar kaliya iska sii jeedsanayn…”
Inkasta oo Pep Guardiola uu ku nool yahay magaalada Manchester, haddana inantiisa Maria Guardiola waxay deggan tahay magaalada London oo ay wax ka barato.
Maria ayaa ah ilmaha ugu weyn ee saddex carruur ah oo uu dhalay Pep Guardiola, hooyadeedna waa ganacsato lagu magacaabo Cristina Serra.
20 sannadood ka hor ayay Guardiola iyo Cristiana Serra kulmeen, waxaanay muddo ku wada socdeen, carruurtoodana isku dhaleen iyagoo isku cindan ka hor intii aanay sannadkii 2014 si rasmi ah iskugu guursanin Matadepera iyagoo saddex caruur ah haysta.