QIIMAYN: Gerrard, Rooney, Drogba – Xiddigihii Ugu Wanaagsanaa Ee

Qiimayn ayaa lagu sameeyey xiddigihii soo ciyaaray finalka tartanka FA Cup tan iyo sannadkii 2000, ama qarniga 21aad, taas oo soo baxday maalin ka hor kulanka Chelsea iyo Leicester Metropolis ee finalka ay caawa garoonka Wembley ku wada ciyaarayaan.

- Advertisement -

Leicester Metropolis ayay ugu dambaysay in ay timaaddo finalka sannadkii 1969kii, halka Chelsea ay Koobkan ku guuleysatay sannadkii 2018kii oo ay finalkii ku garaacday Manchester United.

Ka hor kulanka finalka ee caawa, waxa qiimayn lagu sameeyey ciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa ee soo ciyaaray finalka amaba loosoo doortay xiddiga kulanka (Man of the Match).

Shabakadda Squawka ayaa dib u eegtay dhamaan 21kii last ee lasoo ciyaaray tan iyo sannadkii 2000, waxaana kaalinta koowaad soo galay kabtankii hore ee Liverpool ee Steven Gerrard oo sannadkii 2006 la qaaday Liverpool koobka FA Cup, kaas oo ahaa sannad kaddib markii ay ku guuleysteen Champions League.

Waxa kale oo xiddigaha kusoo guuleystay abaal-marinta ciyaartoyga kulanka ka mid ahaa Wayne Rooney, Didier Drogba iyo Thierry Henry.

Xiddigii hore ee xulka qaranka Nigeria iyo Arsenal ee Nwankwo Kanu ayaa isagoo u ciyaaraya Portsmouth waxa uu sannadkii 2008 ku guuleystay ciyaartoyga kulanka ee finalka FA Cup, sidoo kale Callum McManaman ayaa isagoo Wigan Athletic ah soo galay liiskan.

Halkan kaga bogo ciyaartoydii ugu wanaagsanaa finalka FA Cup ee qaatay xiddiga kulanka qarnigan 21aad:

21. Wayne Rooney (Man United, 2005)

20. Dennis Sensible (Chelsea, 2000)

19. Ashley Cole (Chelsea, 2009)

18. Antonio Rudiger (Chelsea, 2018)

17. Thierry Henry (Arsenal, 2003)

16. Frank Lampard (Chelsea, 2007)

15. Mario Balotelli (Manchester Metropolis, 2011)

14. Juan Mata (Chelsea, 2012)

13. Wayne Rooney (Man United, 2016)

12. Nwankwo Kanu (Portsmouth, 2008)

11. Ruud van Nistelrooy (Man United, 2004)

10. Alexis Sanchez (Arsenal, 2017)

9. Didier Drogba (Chelsea, 2010)

8. Santi Cazorla (Arsenal, 2005)

7. Kevin De Bruyne (Manchester Metropolis, 2019)

6. Aaron Ramsey (Arsenal, 2014)

5. Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal, 2020)

4. Freddie Ljungberg (Arsenal, 2002)

3. Callum McManaman (Wigan Athletic, 2013)

2. Michael Owen (Liverpool, 2001)

1. Steven Gerrard (Liverpool, 2006)

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More