Waa Kuma Xiddiga Ay Jamaahiirta Arsenal Ka Quusteen Ee Kooxda Ka

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa inay heshiis cusub oo lama filaan ah miiska u saarto khadkeeda dhexe ee Granit Xhaka kaddib markii AS Roma oo doonaysay ay dalab macquul ah kasoo gudbin weyday.

28 sano jirkaas ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda tababare Jose Mourinho balse Roma ayaan wali dalab macquul ah ka keenin, taas bedelkeeda Gunners ayaa isku diyaarinaya inay heshiis cusub ka saxeexdaan sida lagu sheegay The Athletic.

Xhaka ayaa shan sano kusoo qaatay kooxda waqooyiga London isaga oo asaasi kasoo ahaa khadka dhexe ee kooxdaas sidoo kalena mar soo noqday kabtanka.

Balse waxa lagu eedeeyaa markasta inuusan bandhigiisa ugu fiican ku muujinin kooxda walow uu xulkiisa Switzerland si heer sarre ah ugu soo ciyaaray intii uu socday Euro 2020.

Arsenal ayaa u muuqatay mid isku diyaarinaysa bixitaanka Granit kaddib markii ay Albert Sambi Lokonga kala soo wareegtay Anderlecht sidoo kalena lala xidhiidhiyay xiddigo kale oo khad dhexe ah.

Xhaka ayaa ahaa mid xagaagan oo dhan bar-tilmaameed u ahaa Roma balse dhawaan ayuu il-wareedka La Stampa shaaca ka qaaday in kooxda caasimada Talyaanigu aysan doonayn bixinta 17-ka Milyan ee pound ee ay Arsenal iibkiisa ku doonayso.

Heshiiska Xhaka ee Arsenal ayaa ah mid ay laba sano ka hadheen. Mourinho ayaa doonaya inuu xoojiyo khadka dhexe ee Roma balse u baahan doona inuu meel kale eego haddiiba saxeexa Xhaka ay ku guuleysan waayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More