Waa Kuma Tababaraha Lama Filaanka Ah Ee Uu Xavi

Halyeeyga kooxda Barcelona ahna tababaraha haatan ee kooxda Al Sadd ee Xavi Hernandez ayaa si lama filaan ah tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low ugu sifeeyay mid anfacaya kooxdiisii hore.

Low ayaa horraantii bishan ku dhawaaqay inuu iskaga tagayo xulka Germany kaddib marka ay qabsoomaan ee ay soo dhammaadaan ciyaaraha Euro oo bisha June ee sanadkan 2021 dhacaya.

61 sano jirkaas ayaa tababaraha xulka qaranka Germany soo ahaa tan iyo sanadkii 2006 isaga oo kusoo hoggaamiyay ku guuleysiga koobka aduunka sanadkii 2014 sidoo kalena Confederations Cup la qaaday saddex sano kaddib.

Si kastaba, Joachim Low ayaa toddobaadkan shaaciyay inuu baranayay luuqada Spanish-ka iyadoo hadalkaasi uu sii xoojiyay wararka sheegayay inuu la wareegayo mid ahaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Haatan Xavi oo qudhiisa si joogto ah loola xidhiidhiyo jagada tababarenimo ee Barcelona ayaa aaminsan in Joachim Low uu yahay mid ku haboon hoggaaminta kooxda Camp Nou.

“Isagu waa tababare kubad raaxo leh ciyaara, isagu waxa uu doonayaa kubad fudud oo weerar ah waana tababare kusoo guuleystay koob aduun” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Xavi

“Low waxa uu ka caawiyay Germany inay horumariyaan faham ka duwan kii hore oo kubadda cagta ah kaas oo in badan i xasuusiya waxa aan ka aqaanay Barcelona iyo Spain”

Iyada oo si gaar ah loo sii weydiiyay sababta uu Low ugu haboon yahay Barcelona ayuu ku jawaabay Xavi “Sababtoo ah qaabka uu ciyaaraha u fahmo iyo shaqsiyadiisa”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More