Waa Kuma Mucjisada Muslimka Ah Ee Ay Barcelona Saxeexiisa Qarka U
Kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay qarka u saaran tahay inay da’yarkeedii hore ee Kays Ruiz-Atil dib ugala soo saxeexato kooxda Paris Saint-Germain sida uu sheegayo kanaalka Sky Sports oo uu wargeyska Sport soo xiganayo.
- Advertisement -
Ruiz-Atil ayaa go’aansaday inuusan wax heshiis kordhin ah u samayn kooxda caasimada France isaga oo taas bedelkeeda ku dhaw inuu ku laabto Barcelona oo uu xagaagii 2016 ka tagay.
Ruiz-Atil ayaa dhawr toddobaad kahor baraha bulshada ka macasalaameeyay Paris Saint-Germain isaga oo caddeeyay inuusan sii joogayn kooxdaasi.
Barcelona ayaa ahayd mid in mudo ah xaalada 18 sano jirka asal ahaan Morroco kasoo jeeda la socotay, hadda ayay u muuqdaan kuwo Camp Nou kusoo celinaya shan sano kaddib bixitaankiisii.
Kays Ruiz-Atil ayaa xilli ciyaareedkii hore toddoba kulan soo metelay kooxda koowaad ee PSG, kulamadaas oo dhammaantood ahaa kuwa horyaalka Ligue 1 ayuu fursad ka helay tababare Thomas Tuchel kaddib dhaawacyo hadheeyay kooxda.
Sidoo kale Ruiz-Atil ayaa qayb ka ahaa safka Paris saddexdeedii kulan ee ugu horreeyay ee Champions League. Marka saxeexiisa la xaqiijiyo ayuu noqon doonaa saxeexii labaad ee ay Barcelona B samayso xagaagan kaddib Sergi Barjuan.