Waa Kuma Frank Lampard Ay Ku Dagaallami Gaadheen Qolka

Koxoda kubadda cagta Chelsea ayaa ku wargelisay mid ka mid ah xiddigaheeda in aanay waxba oollin Stamford Bridge, kaddib markii ay tababare Frank Lampard isku dhex qabsadeen qolka lebbiska waqtigii nasashada ee ciyaartii ay barbarraha la galeen West Brom Sabtidii toddobaadkan.

Lampard ayaa isbeddel degdeg ah sameeyey ciyaartii West Brom oo saddex gool lagala hor maray, waxaana qaybtii dambe kusoo bilowday Hudson-Odoi iyo Azpilicueta iyadoo aanay soo laabanin Kovacic iyo Marco Alonso, taas oo keentay in isbeddel ciyaareed ku yimaaddo Blues qaybta dambe oo ay saddexdii gool ee lagala hor marayba keeneen.

Waqtigii nasashada lagu jiray ee ciyaartoyda uu qolka lebbiska kula hadlayay Lampard, waxay is-qabsadeen difaaca bidix ee reer Spain ee Marco Alonso oo la sheegay inay hadallo taagtaagan oo ixtiraam darro ah isku ganeen, taasina waxay keentay in kooxdu ay Alonso ka qaataan go’aan ah in aanu sii joogin naadiga, iyadoo go’aankana lagu wargeliyey.

Labada gool ee hore ee laga dhaliyey ayuu tababaruhu mid ka mid ah qaladkooda ku eedeeyey Alonso, midka labaad oo caddaan ahaana waxa uu dhabarka u saaray Thiago Silva oo ay ciyaartiisii ugu horreysay ahayd, laakiin macallinka reer England ayaa u cudur-daaray Silva oo uu tilmaamay in uu kasoo kaban doono.

“Waxay ahaayeen qaladaad cadcad, midka hore waxa sameeyey Marco oo khadka dhexe ee garoonka tegay. Kaddibna qaladka Thiago.” Ayuu yidhi.

Frank Lampard oo hadalkiisa sii wata ayaa canaan kale warbaahinta u mariyey Alonso, waxaanu yidhi: “Kaddib, Marco ayaa qaban waayey ninkiisii goolka saddexaad ee koornaha ah. Qaladaad cadcad ayuu sameeyey.”

Chelsea ayaa xagaagan lasoo saxeexay difaaca bidix ee reer England ee Ben Chilwell oo booska Alonso yeelan doona.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More