Waa Kan Rekoodhka Ceebta Ah Ee Xulka Portugal Markii Ugu Horreysay

Xulka qaranka Portugal ayaa xalay macasalaameeyay tartanka EURO 2020 iyaga oo ku hadhay sababta dhigooda Belgium oo guul 1-0 ah ka gaadhay sidaasna ugu wareegay heerka siddeed dhammaadka.

- Advertisement -

Gool madi ah oo uu dhaliyay Thorgan Hazard ayaa ah midka kasoo caawiyay Red Devils inay meel iska mariyaan Cristiano Ronaldo iyo asxaabtiisa kale.

Haddaba, rekoodh aan hore looga baran oo uu xalay xulka Selecao ka samaystay Euro ayaa ah inuu markii ugu horreysay taariikhdiisa ku hadhay wareega 16-ka oo uusan gaadhin siddeed dhammaadka.

Portugal ayaa laga soo bilaabi 1984 oo ahayd markii ugu horreysay ee uu Euros ka qayb galo ugu yaraan wareega siddeed dhammaadka gaadhayay.

Sanadaha Portugal Ka Qayb Galay Euros Iyo Heerarka Uu Gaarey

1984: Semi-Finals

1996: Quarter-Finals

2000: Semi-Finals

2004: Final

2008: Quarter-Finals

2012: Semi-Finals

2016: Guuleystayaal

2020: Wareega 16-ka

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More