“Waa In Kulan Kasta Lagu Soo Bilaabo” – Jamaahiirta England Oo Doortay

Jamaahiirta xulka qaranka England ayaa xiddiga khadka dhexe ee xulkaas ahna kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish amaan ugu qubeeyay iyaga oo waajib ka dhigay inuu kusoo bilawdo kulan kasta.

Grealish ayaa kusoo bilawday kulankiisii ugu horreeyay ee Euro 2020, kusoo bilaabashadiisa ayaa timid kaddib markii tababare Gareth Southgate lagu eedeeyay inuu fadhiisiyay labadii ciyaarood ee hore gaar ahaan kulankii 0-0 kusoo dhammaaday ee Scotland.

Grealish ayay kaliya 11 daqiiqo ku qaadatay inuu Southgate tuso waxa uu samayn karo isaga oo caawiyay gookkii furitaanka ee Raheem Sterling.

Iyadoo goolkaas si cajiib ah ay ugu dabaaldegeen jamaahiirta Wembley fadhiday, taageerayaasha xulka saddexda libaax ayaa si deg-deg ah baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka kusoo bandhigay aragtidooda Jack.

“Waa dambi sida ay u tahay markii ugu horreysay ee uu Grealish kusoo bilawday” ayuu mid kamida taageerayaashu dareenkiisa ku cabiray.

Taageere kale ayaa isaguna faalo ku yidhi “Taasi waa sababta ay tahay inaad Grealish ugu soo bilawdo”

Taageeraha Arsenal ee caanka ah ee Piers Morgan ayaa isaguna yidhi “Taasi waa sababta ay tahay in Grealish kulan kasta kusoo bilawdo, isagu arrimaha ayuu ka dhigaa kuwo dhacaya”

Taageere kale ayaa isaguna yidhi “Waa saamaynta Grealish, isagu wuxuu u baahan yahay inuu kusoo bilawdo in badan”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More