Kooxda Cusub Ee Ramos, Daafaca Arsenal Imanaya Iyo Midka Ka Baxaya &

Chelsea ayaa diyaar u ah inay Manchester City kula tartanto saxeexa 25 sano jirka Aston Villa ee Jack Grealish. (Football Insider)

Kylian Mbappe ayaa weydiistay PSG inuu iskaga baxo kooxda oo la fasaxo, heshiiskiisa ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka dambe. (RMC Sport, via Marca)

Manchester City garabkeeda weerar ee Raheem Sterling ayaan xiisayn dooni inuu Tottenham ugu wareego heshiis uu Harry Kane dhinaca Man City ku tagayo. (ESPN)

Real Madrid ayaa wer-wer xoogan ka qabta in Raphael Varane uu xilli horeba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Man United, Red Devils ayaa doonayay heshiis ciyaartoy is-dhaafsi oo ay Paul Pogba ugu diraan dhinaca Madrid. (Metro)

Kabtankii hore ee Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa iska diidaya dalabaadka uga yimaada Man United iyo Man City isaga oo Paris Saint-Germain ku biiraya. (AS)

West Ham United ayaa xiisaynaysa saxeexa goolhayaha kooxda Fiorentina ee Bartlomiej Dragowski, sidoo kale Tottenham ayaa Viola wax ka weydiisay suurogalnimada lagu heli karo 23 sano jirkaas.(Viola News – in Italian)

Arsenal ayaa iibin karta 20 sano jirka daafaca dhexe ee William Saliba maadaama oo ay ku dhaw yihiin saxeexa 23 sano jirka Brighton ee Ben White. (Football London)

Brighton ayaa sheegtay inaysan Tottenham ka helin wax dalab ah oo ay ku doonayso tababaraheeda Potter oo ku jira liiska tababarayaasha ay Spurs rabaan. (Argus)

Liverpool daafaceeda Nathaniel Clyne ayaa xiiso ka helaya kooxaha Brighton, Burnley, Newcastle United iyo Southampton. (Goal)

Norwich ayaa doonaysa inay Chelsea qaab amaah ah kaga soo qaadato khadka dhexe ee Billy Gilmour oo 20 sano jir ah. (Mail)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More