Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Maghrib 17:58
Muqdisho 27°C
Breaking: Mudulood Clan Elders Apologize for Killing SNA Soldier in Middle Shabelle
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Waa Ayo Cidda Uu Eden Hazard U Hibeeyey Goolka Uu Real

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Eden Hazard ayaa goolkiisii ugu horreeyey dhaliyey muddo sannad iyo dheeraad ah, waxaana uu qaybtiisa qaatay ciyaartii ay Los Blancos 4-1 ku garaacday Hesca.

Xiddiga reer Belgium ayaa goolka koowaad u dhaliyey Real Madrid qaybtii hore, waxaanu noqday goolkii ugu horreeyey ee uu saxeexay muddo 392 maalmood ah oo aanu shabaqa soo taaban.

- Advertisement -

Laacibkan ayay ugu dambaysay inuu gool dhaliyo xili ciyaareedkii hore bilowgiisii, kulan ay Real Madrid la ciyaartay Granada.

Kaddib goolkan ayuu warbaahinta la hadlay, waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, isagoo hoosta ka xariiqay cidda uu u hibeeyey goolka, waxaanu yidhi: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan soo laabtay, wayna fiicnayd inaan gool dhaliyo.

“Goolkan idinka ayaan idiin hibeeyey (Jamaahiirta Real Madrid). Waxa aan rajaynayaa inaan si degdeg ah idiin arki doono (garoomada aad kusoo laaban doontaan). Kulanki dambe.”

Hazard oo kasoo laabtay dhaawac muddo dheer ah iyo qaab ciyaareed aan fiicnayn oo uu ku jiray muddo kooban oo uu garoomada kusoo laabtay dhamaadka xili ciyaareedkii hore, ayaa waxa uu sharraxaad ka bixiyey toogashadii fogeyd ee uu sameeyey ee goolka noqotay kulankii Huesca.

Goolkan ayuu ku ku tilmaamay mid kalsoonida usoo celinaya, waxaanu yidhi: “Wuxuu ahaa gool wanaagsan. Kubadda waxaan ka helay Marco Asensio kaddibna waan toogtay. Dabcan goolkaasi wuxuu ahaa mid kalsooni isiinaya.”

Mar la weydiiyey sida ay ahayd bandhiggii guud ee ciyaartoyda kooxdiisa, waxa uu Hazard yidhi: “Qaybtii hore maanaan fiicnayn, laakiin waxa aanu ku guuleysanay dhalinta laba gool. Kaddib kooxdu waxay awood u yeelatay inay afar ka dhigto. Aad ayaan ugu faraxsanahay.”

How do you rate this story?

0 votes