UEFA Oo Magdhow Siisay Barcelona & Sababta Oo La Sharraxay

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa heshay lacag magdhow ah oo uga timid xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA, taas oo tiradeedu dhan tahay 2.6 milyan oo Euro.

Barcelona ayaa ciyaartooyo badan ku lahayd tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, laakiin ma jiro hal ciyaartoy oo uga qayb-gelaya ciyaarta ugu dambaysa ee Finalka. Sergio Busquets, Jordi Alba, Eric Garcia, Pedri iyo Martin Braithwaite ayaa dhamaantood kusoo hadhay semi-finalka oo dalalkooda Spain iyo Denmark kaga baxeen tartanka.

Xiddigaha kale ee Antoine Girezmann, Ousmane Dembele iyo Clement Lenglet ayaa iyaguna xulka qaranka France ku jiray oo ku hadhay wareeggii 16ka, halka Frenkie de Jong iyo Memphis Depay oo Netherlands ah ay iyaguna tartanka ku macasalaameeyeen wareegga 16ka.

Heshiis ay gaadheen Ururka Kooxaha Yurub ee ECA iyo xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa waxa uu dhigayay, in koox walba ay 9,000 Euro ka hesho ciyaaartoy kasta oo ka qayb-gelaya Euro maalin kasta oo uu ciyaaro. Heshiiskan ayaa la gaadhay 14 maalmood ka hor intii aanu tartanku bilaabmin.

Laakiin lacag-bixinta ayaa waxay lagu salleeyey qiimayntii July 2019 oo waxyar ka hoosaysa midda uu dhigayay heshiiska cusub.

Sidaa darteed, Barcelona ayaa 7,500 Euro ka helaysa Braithwaite maalin kasta oo uu u ciyaaray xulka Denmark, Pedri ayaa ay ku helayeen 6,000 Euro maalin kasta oo uu u saftay Spain, halka Memphis Depay iyo Eric Garcia ay Barcelona ku heshay min 3,000 Euro ciyaar kasta oo ay safteen.

Ousmane Dembele ayay xaaladdiisu ka duwan tahay maadaama uu dhaawac kasoo gaadhay tartanka, muddo dheerna uu maqnaanayo. Laacibkan ayaa inta uu dhaawaca u jiifo oo afar bilood lagu qiyaasay, waxay Barcelona ka heli doontaa UEFA lacag dhan 20,584 Euro.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More