Tobankii Saxeex Ee Ugu Wanaagsanaa Ee Xagaagan Dhacay,

Suuqa iibka xagaaga 2020 ayaa xalay saqdii dhexe soo xidhmay, waxaana durba bilaabmay qiimaynta xiddigihii la kala iibsaday intii u dhaxaysay August 4 illaa October 5, muddadaas oo saxeexyadii ugu badnaa ay sameeyeen kooxaha Premier League.

- Advertisement -

Khabiirka ciyaaraha Julio Maldonado ‘Maldini’ oo ka hawlgala wargeyska iyo idaacadda Marca ee waddanka Spain ayaa waxa uu qiimayn ku sameeyey dhamaan saxeexyadii dhacay xagaagan, waxaanu kasoo saaray tobankii ugu sarreeyey.

Laacibiinta saxeexyadoodu ahaayeen kuwa ugu wanaagsan ayaa iskugu jiray kuwo lacago badan laga soo bixiyey iyo kuwo wax aan badnayn oo faro guudkood ah ay kooxaha soo iibsaday kasoo bixiyeen.

Weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez oo ka tegay Barcelona, una wareegay naadiga ay horyaalka LaLiga ku xafiiltamaan ee Atletico Madrid ayuu khabiirku ku sheegay saxeexii ugu wanaagsanaa ee dhacay xagaagan.

“Atletico Madrid waxay u baahnayd weeraryahan dhexe oo goolasha dhalin kara. Luis Suarez ayaa u dammaanad qaadi karaya tiro goolal ah, haddii aanu dhaawacmin.” Ayuu yidhi Julio Maldonado ‘Maldini’ oo ka hadlayay qiimayntiisa.

Thiago Alcantara oo ay Liverpool kala soo wareegtay Bayern Munich ayaa kaalinta labaad ka galay saxeexyada ugu fiicnaa ee dhacay, waxaana Maldini oo sababaynayay qiimayntiisa uu yidhi: “In qiimahan uu ku ciyaaro laacib sidan oo kael ahi, waxay iila muuqataa saxeex wanaagsan. Marka hore, shaki igagama jiro sababtoo ah, sida Liverpool dib iyo horeba ugu socoto laakiin waxay kubadda maamuli doonaan kulamada ugu badan, halkaas ayaanu Thiago muhiim ka noqon doonaa.”

Akhriso tobanka saxeex ee ugu wanaagsanaa

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More