Thomas Tuchel Oo Isbeddel Ku Samaynaya Qaabka Ay U Ciyaarto Chelsea

Chelsea waxay ku ciyaari doontaa qaab ka duwan midkii hore ikyo shaxda uu tababare Thomas Tuchel kusoo galo oo iyadana isbeddel ku iman doono, kaddib markii uu Stamford Bridge yimid Romelu Lukaku oo jabiyey rikoodhkii iibka Chelsea.

Weeraryahanka reer  Belgium ayaa toban sannadood kaddib dib ugu soo laabtay Chelsea, iyagoo £97.5 milyan oo Gini kasoo bixiyey, waxaana uu seegay kulamadii UEFA Super League iyo Crystal Palace, laakiin tababare Tuchel ayaa  go’aan ka gaadhi doona haddii uu kusoo bilaabayo ciyaarta usbuuca dambe.

Imaatinka Lukaku ayaa waxay Chelsea kusoo kordhin doontaa cudud iyo isbeddello afka hore ee weerarka ah, iyadoo durba ka  mid noqotay kooxaha loo saadaalinayo in ay horyaalka ku guuleysanayaan xilli ciyaareedkan.

Qaab ciyaareedka Chelsea ayaa sidoo kale la filayaa in uu isbeddel ku dhaco, isla markaana lagu soo celiyo sidii ay ahaan jirtay waqtigii uu joogay Didier Drogba oo hal weeraryahan oo kaliya ay ku ciyaari jireen iyo sidoo kale xilligii dambe ee uu joogay Diego Costa.

Thomas Tuchel ayaa bixiyey qish ku saabsan qaabka ay kooxdiisu u ciyaari doonto, isaga oo iftiimiyey in laga yaabo in laba weeraryahan ay afka hore dhigaan oo uu Lukaku ku ladho ciyaartoy kale sidii Inter Milan oo kale oo ay Lukaku iska garab ciyaari jireen Lautaro Martinez.

“Anigu tan si fiican ayaan u aqaanaa laakiin sidoo kale waxay faa’iido weyn ku noqon karaysaa in uu awoodo in uu ka ciyaari karo wax ka badan hal boos.” Ayuu yidhi Tuchel.

Waxa kale oo uu tababaraha reer Germany tilmaamay weeraryahannada kale ee uu haysto iyo qorshihiisa, waxaanu yidhi: “Aad ayaan ugu faraxsanahay Timo, Christian iyo Kai sababtoo ah dedaal badan ayay geliyaan kooxda. Waxa kusoo darsamaya Romelu oo noqonaya weeraryahanka koowaad, waxaananu doonaynaa in aanu isaga ku hayno garoonka. Aad ayay taasi noogu caddahay.

“Haddii aad samayso saxeexan oo kale, waxa hubaal ah in aanu doonayno in aanu doonayno in uu isagu mar walba ku jiro garoonka, laakiin waxa aanu cadaadiska ka qaadaynaa garbaha ciyaaartoyda da’yarta ah ee Kai, Timo iyo Christian, sababtoo Romelu ayaa ah nooc shaqsiyadda ee jecel masuuliyadda.

“Hadda waxa aanu haysanaa fursad aanu ugu ciyaarno laba weeraryahan sidii ay samayn jirtay Inter Milan ama saddex weeraryahan. Waanu eegi doonaa sida ay tani noogu shaqayso, waxaananu xal u heli doonaa ciyaartoyda ku xeeran.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More