Bayern Munich Oo Xaqiijisay In Joshua Kimmich Iyo Leon Goretzka Ay

Madaxweynaha Bayern Munich ee Herbert Hainer ayaa qirtay in ay kooxdiisu luminayso labada ciyaartoy ee khadka dhexe ee Joshua Kimmich iyo Leon Goretzka oo aanay sii haysan karaynin, xilli ay labadan ciyaartoy dhamaysanayaan qandaraasyadooda.

Joshua Kimmich oo ka mid ah ciyaaryahannada ugu wanaagsan ee waqtigan jooga ayaa waxa heshiiska uu kula jiro Bayern Munich ka hadhsan laba sannadood, waxaana soo baxaya warar sheegaya in aanu sii joogi doonin Allianz Areana, halka Leon Goretzka oo isaguna dhex wanaagsan oo ay kooxo badan oo Yurub ah raadinayaan ay 11 bilood oo kali ahi ka  hadhsan yihiin heshiiska uu kula jiro kooxdan.

Bayern Munich ayaa heshiis cusub u bandhigtay labadan ciyaartoy, waxaanay dedaal badan u samaynaysaa sidii ay u xaqiijin lahayd in ay sii joogaan, laakiin Herbert Hainer ayaa tilmaamay in aanay kooxdiisu madax-furasho ku haysan karaynin labadan ciyaartoy haddii ay iyagu ka gaws-adaygaan in ay heshiisyada cusub saxeexaan.

Wararka ayaa sheegaya in labadan ciyaartoy ay dalbanayaan mushahar aad u badan, halka ay sidoo kale ku fikirayaan inay dibedda uga baxaan dalkooda.

Herbert Hainer oo u warramay wargeyska Kicker, ayaa yidhi: “Waxa xaqiiqo ah in aan wax walba loo samaynayn sidii lagu sii hayn lahaa. Ciyaartoydu way ogyihiin waxa ay ku haystaan Bayern, sidoo kale mushahar wanaagsan ayay ku helaan halkan, qof walba mushaharkiisa waa la siiyaa. Sidoo kale koobab ayay nagula guuleysan karaan hadda iyo mustaqbalkaba.”

Rikoodhada Kimmich & Goretzka ee Bayern

Joshua Kimmich waxa uu Bayern Munich kaga soo biiray RB Leipzig sannadkii 2015, waxaana uu ilaa waqtigaas u ciyaaray 262 ciyaarood isagoo u dhaliyey 30 gool iyo 72 kale oo uu caawiye ka noqday.

26 jirkan ayaa waxa uu Munich kula guuleystay 16 koob, halka toban ka mid ah koobabkaasna ay wada qaadeen intii ay iska garab ciyaarayeen Goretzka oo isaguna 113 kulan oo uu saftay u dhaliyey 25 gool.

Goretzka ayaa Munich uga yimid Schalke sannadkii 2018.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More