Ten Hag Oo Ka Hadlo Mustaqbalkiisa Man United.

Erik ten Hag ayaa daaha ka qaaday in aanu wali jirin wax heshiis ah oo uu Manchester United kula galay heshiis cusub kadib markii ay kooxdu go’aansatay in uu tababaraha reer Holland sii hayo shaqada Old Trafford.

Kadib xilli ciyaareed adag oo ay Man United ku dhamaystay kaalinta 8-aad Ten Hag ayaa la kulmay cadaadis weyn ka hor inta uuna kooxda kula guulaysan FA Cup-ka.

Kadib guushii FA Cup-ka waxa jiray warar badan oo sheegaya in uu Ten Hag lumin doono shaqadiisa Old Trafford.

Maamulka Man United ayaa xitaa wadahadalo la yeeshay Thomas Tuchel si uu u badalo Erik Ten Hag.

Laakiin Ten Hag ayaa ugu dambayn sii haystay shaqada Man United isaga oo sii hogaamin doona kooxda xilli ciyaareedka dambe.

“Waxay ahayd xilli qalalaase,” ayuu yiri ten Hag.

“Waxaan awooday inaan xoogaa fasax qaato. Toddobaadkan, United ayaa si lama filaan ah albaabkayga uga soo muuqatay, waxana ay ii sheegeen in ay doonayaan in aan sii ahaado tababaraha kooxda”

“Qof kastaa wuxuu maqlay inay la hadleen dhowr musharax, Netherlands waxaad oo kale ma dhacdo xitaa lama ogolaado”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More