Telefishanka beIN Sports Oo Shaaciyey Wariyeyaasha Tabin
Telefishanka beIN Sports ayaa shaaciyey wariyeyaasha ku qoran baahinta kulamada Champions League ee toddobaadkan, waxaana dhamaan diyaar ah tacliiqiyiinta ruug-caddaaga ah ee codkooda la xiiseeyo.
Telefishanka beIN Sports ayaa si toos ah u baahin doona ciyaaraha Champions League ee Salaasada iyo Arbacada oo ay ballansan yihiin kooxo waaweyn.
Manchester United oo ku sugan magaalada Paris ayay foodda is darayaan PSG, sidoo kale, Chelsea ayaa qaabilaysa Sevilla, halka Barcelona ay tijaabo fudud ku gelayso garoonkeeda oo ay waajahayso Ferencvaros, taas oo ka dhigan in Juventus oo ay isku group yihiin ay iyaduna la ciyaarayso Dynamo Kiev.
Kooxda koobka difaacanaysa ee Bayern Munich ayaa Arbacada garoonkeeda ku qaabbili doonta Atletico Madrid, Liverpool iyo Ajax ayaa foodda is dari doona, halka Real Madrid ay kulmi doonaan Shakhtar Donetski.
Manchester City ayaa waxay iyaduna la ciyaari doonaa FC Porto iyadoo Inter Milan oo xili ciyaareedkii hore soo gaadhay finalka Europa League ay la ciyaarayso Borussia Monchengladbach.
Telefishanka beIN Sports oo tabin doona dhamaan kulamadan ayaa shaaciyey wariyeyaasha ku qoran baahinta, waxaana xaadir ah oo jooga labada wariye ee codka macaan ee Rauf Khalif iyo Cusmaan Shuwaali oo midkoodba habeen shaqayn doono.
Ciyaarta PSG iyo Manchester United ee caawa ayaa loo doortay inuu qabto wariye Rauf Khaliif, taas oo dhab ahanatii ah kulan kusoo baxaya in wariyahan loo magacaabo maadama uu yahay mid codkiisa ku xarakeeyo socodka ciyaarta iyod dhacdooyinka garoonka gudihiisa ka dhacaya oo uu ku ladho taariikhihii hore.
Waxa kale oo uu Rauf qaban doonaa kulanka Real Madrid ay ku martigelinayso Shakhtar Donetsk habeenka Arbacada, taas oo ka dhigan inuu labada habeen ba shaqaynayo.
Cusaam Shuwaali ayaa Arbacada oo kaliya shaqayn doona, waxaanu ku qoran yahay kulanka Liverpool ay safarka ugu tegayso Ajax.
Halkan kaga bogo wariyeyaasha tabin doona kulamada Champions League ee Caawa iyo habeen dambe
Salaasa:
Dynamo Kiev vs Juventus – Khaalid Xaddi
Chelsea vs Sevilla – Cali Maxamed Cali
Rennes vs FC Krasnodar – Nowfil Baashe
Lazio vs Borussia Dortmund – Yuusuf Sayf
Barcelona vs Ferencvaros – Xafiid Daraaji
PSG vs Manchester United – Rauf Khaliif
Arbacada
Real Madrid vs Shakhtar Donetsk – Rauf Khaliif
Bayern Munich vs Atletico Madrid – Xafiid Daraaji
Inter Milan vs Borussia Monchengladbach – Cali Maxamed Cali
Manchester City vs FC Porto – Khaliil Baluushi
Olympiacos vs Marseille – Jawad Badat
Ajax vs Liverpool – Cusaam Shuwaali
FC Midtjylland vs Atalanta – Maxamed Barakaat