Tartanka Gooldhalinta Copa America Oo Meel Xiiso Leh Maraya.

Tartanka Copa America 2024 oo meel xiiso leh maraya xiiso leh iyada oo la ciyaaray wareegii 2-aad ee Group-yada.

Xiddigaha ayaa dhinacooda ku jira qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo dhaliyay goolal badan oo muhiim ah.

Tartanka Gool dhalinta Copa America ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo ay durba xiddigo ku tartamayaan.

Xiddiga xulka Uruguay iyo kooxda Liverpool ee Darwin Nunez ayaa hogaaminaya gooldhalinta Copa America 2024.

Nunez ayaa dhaliyay 2 gool waxana la mid ah xiddigo badan oo dhaliyay goolal la mid ah ilaa haatan.

Xiddiga USA ee Folarin Balogun xiddiga Argentine ee Lautaro Martinez iyo Maximiliano Araujo ayaa sidoo kale dhaliyay min 2 gool.

Halkan kaga bogo tartanka Gool dhalinta copa America

Darwin Nuez (Uruguay) 2 Gool

Folarin Balogun (USA) 2 Gool

Lautaro Martinez (Argentine) 2 Gool

Maximiliano Araujo (Uruguay) 2 Gool

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More