Steven Gerrard, Frank Lampard Iyo Paul Scholes Oo Lagu Kala
Steven Gerrard, Frank Lampard iyo Paul Scholes waxay seddexduba ahaayeen xiddigo cajiib ah.
Laakiin midkee ayaa fiicnaa seddex xiddig ee Ingariiska?
Waxaa jirta dood ilaa iyo maanta taagan xitaa haddii ay seddex ciyaaryahan ka fariisteen ciyaarista kubada cagta.
Runtu waxay tahay inaysan jirin jawaab saxan ama mid qaldan oo ku saabsan doodaan.
Haddii aad dooneyso gooldhaliyihii khadka dhexe ee ugu fiicnaa jillkiisa waa Frank Lampard.
Haddii aad dooneyso qof sameyn kara wax walba, waa Steven Gerrard.
Haddii aad rabto hal abuure khadka dhexe oo ku koontarooli kara ciyaarta waa Paul Scholes.
Qaab fiican oo doodaan lagu xalin karo waa in la eego tirada codadka uu ciyaaryahan walba ka helay abaalmarinta Ballon d’Or mudadii ay garoomada ku jireen.
Natiijada ayaa ceeb ku ah mid ka mid ah seddexdaan xiddig.
3) Paul Scholes – 0 codad
Scholes shan jeer ayuu u sharaxnaa abaalmarinta Ballon d’Or waayihiisa ciyaareed laakiin marnaba ma helin xitaa hal cod.
2000: 0 codad2001: 0 codad2003: 0 codad2004: 0 codad2007: 0 codad
Wadarta: 0 codad2) Frank Lampard – 169 Codad
Sida Scholes, Lampard waxa uu abaalmarinta Ballon d’Or u sharaxnaa shan jeer. Laakiin codad ka fiican Scholes ayuu helay isagoo uruursaday 169 codad. Markiisii ugu fiicneyd waxay aheyd sannadkii 2005 markaasoo uu kaalinta labaad u galay Ronaldinho.
2004: 5 codad2005: 148 codad2006: 3 codad2008: 8 codad2009: 5 codad
Wadarta: 169 codad1) Steven Gerrard – 220 codad
Gerrard wuxuu abaalmarinta Ballon d’Or u sharaxnaa muddo lix jeer. Wuxuu helay codad sannad walba marka laga reebo 2006. Sannadkii ugu fiicnaa waxay aheyd 2005 isagoo ku dhameystay kaalinta 3aad.
2001: 1 cod2005: 142 codad2006: 0 codad2007: 17 codad2008: 28 codad2009: 32 codad
Wadarta: 220 codad
Haddii codadka Ballon d’Or lagu qiimeeyo seddexdaan halyeey waxaa guuleystaha noqonaya Steven Gerrad halka Lampard uu labaad soo galay iyadoo Scholes eber codad lagu ceebeeyay.