Miyuu Sergio Aguero Ciyaari Karaa Isbuucaan Ka Dib Geeridii
Pep Guardiola ayaa sheegay in Sergio Aguero uu isku dayayo inuu diirada saaro inuu garoomada ku soo laabto isbuucaan inkastoo uu geeriyooday sodogiisii hore Diego Maradona.
Xiddiga ugu goolasha badan Manchester City ayaa waxaa xaas u aheyd gabadha uu dhalay Maradona ee lagu magacaabo Giannina iyadoo u dhashay wiil.
Dalka Argentina oo dhan ayaa haatan ku jira baroordiiq ka dib markii uu geeriyooday xiddigoodii ugu weynaa abid isagoo 60 sanno jir ah.
Laakiin Aguero ayaa baaqi ku sii ahaaday Manchester City isagoo ka shaqeynaya inuu kulankii afaraad ee xilli ciyaareedkan ku soo bilowdo.
Wuxuu la dhibtoonayay dhaawac jilibka iyo muruqa bowdada ah taasoo xadiday ka qeyb qaadashadiisa xilli ciyaareedkan.
Guardiola ayaa yiri: “Sida aan u arkayay isaga waxa uu ahaa mid fiican.
“Dabcan saameynta ay ku yeelatay maalintii aan la ciyaareynay Olympiakos waxay aheyd mid adag.
“Dabcan waa ay ku adkeyd, waana wax caadi ah. Si fiican ayuu u garanayay Maradona, wuxuu awoowe u yahay wiilkiisa.
“Waa xaalad murugo iyo nasiibdarro ku ah qoyskiisa gaar ahaan wiilkiisa laakiin wuu fiican yahay.
“Laakiin waa su’aal isaga uu ka jawaabi karo anigana ay igu adag tahay inaan ka jawaabo.”
Aguero ayaa saftay kaliya afar kulan tan iyo markii ugu horeysay ee uu dhaawacmay bishii Juun kulan ay la ciyaarayeen kooxda ay todobaadkan balansan yihiin ee Burnley.
32 jirkaan ayaa qandaraaskiisa Etihad uu dhacayaa xagaaga soo socda, welina ma jiraan wadahadalo qandaraas kordhin ah oo socda.