Solskjaer Oo Xaqiijiyey In Xiddig Muhiim U Ahaa Kooxdiisu Uu
Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaciyey in kooxdiisu ay la kulantay war aanay jeclaysanin oo u xaqiijiyey in mid ka mid ah xiddigaha muhiimka ah ee kooxdu uu garoomada ka maqnaanayo inta ka hadhay xilli ciyaareedka.
- Advertisement -
Manchester United oo u dagaallamaysa in ay kaalinta labaad kaga dhamaysato horyaalka Premier League, ayaa waxa inta badan ciyaartoygeeda koowaad ay u baxeen kulamadii caalamiga ahaa, waxaanay soo laabteen iyadoo qaarkood dhaawacan yihiin, inkasta oo ay dhamaantood kusoo laabteen waqti fiican marka laga reebo weeraryahanka reer France ee Anthony Martial.
Laacibkan ayaa dhaawac kasoo gaadhay jilibka isagoo u ciyaaraya xulka qarankiisa kulankii ay ku garaaceen Kazakhstan, waxaanu awoodi waayey in uu tababarka la qaato kooxdiisa, isagoo seegay kulanka Brighton.
Solskjaer oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Martial ay u badan tahay in uu xilli ciyaareedka oo dhan ku maqnaado dhaawaca kasoo gaadhay jilibka oo uu ku tilmaamay mid niyad-jab ah, waxaanu yidhi: “Suurtogalnimada ah in aanu weyno Anthony inta ka hadhay xilli ciyaareedku, aad ayay niyad-jab u tahay, khaasatan marka warbixinihii Faransiisku ay tilmaamayeen in aanay wax halis ahi jirin, laakiin hadda waxay u muuqataa dhaawac xun.”
Tababaraha xulka qaranka Faransiiska ee Didier Deschamps ayaa hoos u dhigay dhaawaca Martial, waxaana isagoo la hadlayay warbaahinta uu yidhi: “Anthony waxa soo gaadhay dhaawac fudud. Wali waxba lama go’aamin.”
Inkasta oo aanu haynin warbixinta dhakhaatiirta oo waqtigaas aan soo bixin, haddana Didier Deschamps ayaa intaa ku daray: “Tababarka berri nalama qaadan doono, waanu ka yara dambayn doonaa, laakiin berri ayaanu arki doonaa.
“Wax kasta oo khatar ah meesha way ka baxeen, waxa aanu samaynay tijaabooyin, wali xanuun ayaa jira laakiin maaha wax halis ah.”
Si kastaba, Solskjaer ayaa sheegay in Anthony Martial uu muddo ka maqnaan doono garoomada, ayna u badan tahay in uu macasalaameeyey xilli ciyaareedka.