Ciyaaryahanadda Valencia Oo Ka Dareeray Garoonka Daqiiqaddii 29aad,
Ciyaartii u dhaxaysay labada kooxood ee Cadiz iyo Valencia ayaa la joojiyey iyadoo maraysa daqiiqaddii 29aad ee qaybta hore, kaddib markii ay isku dhaceen Juan Gala iyo Mouctar Diakhaby.
- Advertisement -
Difaaca Valencia ee Mouctar Diakhaby ayaa daba cararay Juan Gala oo hadallo cunsuriyad ah oo la wada maqlayay ku yiedhi laacibkan madowga ah, waxaanay garoonka dhexdiisa isku weydaarsadeen muran iyadoo ciyaaryahannada kale ee labada kooxood ay kala qabteen.
Kaddib muddo kooban oo muran iyo is-jiid-jiid ah, ciyaartoyda Valencia ayaa isku dayay in ay garsooraha u dharraxaan waxa dhacay haddii aanu isagu maqlaynin, laakiin waxa uu go’aamiyey in uu kaadh digniin ah siiyo Diakhaby oo cadho badan ka muuqatay, lana joojin kari la’aa.
Ciyaaryahanadda Valencia ayaa markaas kaddib ka dareeray garoonka iyagoo taageero u muujinaya xiddigoodan la cunsuriyeeyey.
Daqiiqado kaddib, ciyaartoyda Valencia ayaa garoonka dib ugu soo laabtay, waxaanay ciyaartu sii taagnayd shan daqiiqadood oo kale oo ay iskululayn sameeyeen ciyaartoyda Valencia si ay dareenka cadhada ah iskaga saaraan, ka hor intii aan dib loo bilaabin.
Mouctar Diakhaby ayaan ciyaarta kusoo laabanin, waxaana lagu beddelay oo booskiisa yimid Hugo Guillamon.
Cala oo gool u dhaliyey Caidz ayaa isagana la saaray waqtigii nasashada.
Valencia ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda bulshada ee Twitter-ka, waxay ku sheegtay in ciyaartoygeeda loo geystay cay iyo cunsuriyad, laakiin uu ugu dambayntii isagu ka dalbaday ciyaartoyda kooxdiisa in ay dib ugu noqdaan garoonka oo ay ciyaaraan.