Shil Gaari Ayuu Galay Samuel Eto, Cusbitaalka Ku Yaalla

Shil Gaari Ayuu Galay Samuel Eto, Cusbitaalka Ku Yaalla
Halyeyga reer Cameroon ee Samuel Eto’o ayaa la dhigay cusbitaal ku yaalla waddankiisa kaddib markii uu galay shil baabuur oo xun, sida ay warbaahinta Cameroon tabisay.

Weeraryahankan hore ee Barcelona iyo Inter Milan ayaa kusii jeeday gurigiisa isagoo kasoo laabtay aroos, markii uu gaadhi bas ah oo waddada marayay uu jiidhay, subaxnimadii Axaddii shalay.

39 jirkan ayaa dhaawac kasoo gaadhay madaxa, waxaana isla markiiba loola cararay cusbitaal lagu daawaynayo.

Wararka laga helayo xaaladdiisa caafimaad ayaa waxay sheegayaan in hadda uu kasoo raynayo oo uu aad u wanaagsan yahay, balse ay wali gacanta ku hayaan dhakhaatiirtu.

Wariyaha reer Cameroon ee Martin Canus ayaa bartiisa Twitterka ku baahiyey shilkan, waxaanu soo daabacay sawirka baabuurkii uu watay Samuel Eto’o oo si xun u burbursan, kaas oo uu kusoo dul-qoray: “Burburka baabuurkii uu Samuel Eto’o ku jiray ee shilka galay.”

Saxafigan oo qoraalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa raaciyey: “Waxaan xaqiijin karayaa inuu fiican yahay, waanu wada hadalnay. Dhakhaatiirta ayaa daryeelaya oo baadhitaano dheeraad ah ku samaynaya.”

Idaacadda BBC ayaa iyaduna shilkan shaacisay, waxaanay xidhiidh la samaysay masuuliyiinta waddankaas oo u xaqiijiyey inuu Samuel Eto’o shil galay, isla markaana cusbitaalka yaallo, laakiin waxay ka gaabsadeen in si toos ah loo xigan karayo.

Inkasta oo baabuurku uu si xun u burburay, haddana dhaawaca Samuel Eto’o ayaa la sheegay in aanu halis badan lahayn, iyadoo dhinaca kalena aanay jirin dad ku dhaawacmay.

Eto’o ayaa muddo shan sannadood ah u ciyaaray Barcelona oo uu la qaaday horyaallada LaLiga, Champions League iyo Copa del Rey ka hor intii aanu Inter Milan uga wareegin sannadkii 2009 oo uu qayb ka noqday safkii uu hogaaminayay Jose Mourinho ee saddexlayda koobabka ah ku wada guuleystay.

Chelsea iyo Everton ayuu waqti ku qaatay xilligii ay xirfaddiisu sii dhamaanaysay, halka uu waddankiisana u saftay 118 ciyaarood.

Intii uu ciyaaraha ku jiray, waxa uu ku guuleystay 11 koob oo waaweyn oo saddex ka mid ah Champions League ay yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More