Shaxda Rasmiga Ee Man United vs Chelsea – Solskjaer Oo

Kulan adag ayaa caawa loogu balansan yahay garoonka Old Trafford iyadoo Manchester United ay soo dhaweyneyso kooxda ay ku xafiiltamayaan afarta kaalimood ee ugu sareysa ee Chelsea.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaan weli ku badinin garoonkooda xilli ciyaareedka halka kooxda Frank Lampard ay u baahan tahay inay horumar ka sameeyaan dhanka daafaca madaama laga dhaliyay sagaal gool shan kulan oo ay ciyaareen xilli ciyaareedkan.

Kulanka caawa waa mid xiiso badan iyadoo labada kooxood ay si weyn u doonayaan guusha.

Kabtan Harry Maguire ayaa ku soo laabtay shaxda Manchester United ka dib markii uu seegay kulankii ay PSG ka badiyeen halka Mason Greenwood uu kursiga keydka fadhiya iyadoo Edinson Cavani uu kursiga keydka soo fariistay markii ugu horeysay.

Paul Pogba ayaa mar kale keyd la dhigay iyadoo Fred uu ka garab ciyaarayo McTominay halka Fernandes, Mata iyo James ay ka danbeeyaan Rashford iyadoo Tuanzebe uu boos ka waayay daafaca inkastoo uu wacdarro dhigay kulankii PSG.

Eric Bailly ayaa dhaawac ku maqnaanaya muddo bil ah halka Anthony Martial uu weli ku maqan yahay ganaaxa casaankii uu qaatay kulankii Tottenham iyadoo Jesse Lingard uu labo isbuuc u jiro inuu taam noqdo.

Dhanka Chelsea goolhaye Kepa Arrizabalaga ayaa dhaawac kaga maqan iyadoo Meny uu ku soo bilowday kulankaan.

Billy Gilmour ayaa ah xiddiga kale ee ka maqan Chelsea iyadoo Hakim Ziyech uu mar kale ka soo muuqday kursiga keydka.

SHAXDA RASMIGA AH:

Man United: De Gea, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw, McTominay, Fred, Fernandes, Mata, James, Rashford.

Keyd: Henderson, Pogba, Cavani, Greenwood, Matic, Van de Beek, Tuanzebe.

Chelsea: Mendy, James, Silva, Zouma, Azpilcueta, Chilwell, Jorginho, Kante, Pulisic, Havertz, Werner.

Keyd:  Caballero, Rudiger, Abraham, Kovacic, Giroud, Mount, Ziyech.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More