Shaxda Rasmiga Ah Ee PSG vs Bayern Munich – Flick Oo Saxay Qaladkii Uu

Bayern Munich ayaa ku sugan garoonka Parc des Princes, iyadoo u dagaallamaysa in ay guul soo laabasho ah ka hesho PSG oo lugtii hore ee Allianz Arena kaga soo badisay 3-2.

Munich oo xilli ciyaareedkii hore finalkii koobka 1-0 kaga qaadday PSG, ayaa waxa sugaysa shaqo adag oo ah in ay iska qabato weerarka daadka ah ee kooxda reer France, sidoo kalena ay la timaaddo ugu yaraan laba gool oo jawaab la’aan ah.

Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa dhaawac kaga maqan Munich, iyadoo uu ciyaartii horena seegay, waxaana farriin uu u diray ciyaartoyda kooxdiisa uu ku yidhi: “Waan idin aaminsahay.”

Tababare Hansi Flick ayaa ciyaartan kusoo bilaabay weeraryahankii hore ee PSG ee Coupo-Moting, waxaana uu kaashan doonaa Kingsley Coman iyo Leroy Sane, halka uu Thomas Muller ka caawinayo dhexda oo uu taagan yahay booska No.10.

Flick ayaa saxay qaladaadkii uu sameeyey kulankii hore, waxaanu ciyaartan soo qaddimay Alphonso Davies oo difaaca bidix taagan, laakiin khadka dhexe ayuu u diray David Alaba oo ka garab ciyaaraya Kimmich, halka difaacana ay wada taagan yihiin Pavard, Baoteng, Davies iyo Hernandez.

PSG ayaa iyaduna ciyaartan kusoo bilowday Neymar Jr, Kylian Mbappe iyo Julian Draxler, kuwaas oo dhexda ay ka taageerayaan Angel di Maria, Paredes iyo Gueye.

Difaaca PSG ayay kusoo wada bilowdeen Kimpembe, Danilo, Dagba iyo Diallo.

Shaxaha Rasmiga ah ee PSG iyo Bayern Munich:

PSG XI: Navas, Dagba, Danilo, Kimpembe, Diallo, Gueye, Paredes, Di María, Neymar, Draxler, Mbappe

Kaydka: Rico, Saidani, Kehrer, Rafinha, Florenzi, Bakker, Nagera, Pembele, Herrera, Sarabia, Verratti, Kean

BAYERN MUNICH XI: Neuer, Pavard, Boateng, Alaba, Hernandez, Kimmich, Muller, Coman, Sane, Davies, Choupo-Moting

Kaydka Nubel, Martinez, Sarr, Nianzou, Musiala, Stanisic, Zaiser

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More