Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Valencia vs Barcelona – Yaa Kusoo

Kooxda Barcelona ayaa dib usoo noolayn doonta tartanka ay ugu jirto ku guuleysiga horyaalka La Liga iyaga oo caawa garoonka Mestalla Stadium marti ugu ah kooxda Valencia oo iyadu booska 14-aad kaga jirta kala sarreynta horyaalka.

Barca ayaa doonaysa guul ay kaga soo kabato guuldarradii lama filaanka ahayd ee Khamiistii kasoo gaadhay Granada kulan ay wakhtigaas hoggaanka horyaalka ku qaban karayeen waxaana ay caawa u baahan yihiin saddex dhibcood oo ay kula dhibco noqdaan Actual Madrid isla markaana ay 2 dhibcood ugu jirsadaan hogaamiyayaasha Atletico Madrid.

Tababare Koeman ayaa markale shaxda saddexda daafac dhexe ciyaaraya isaga oo Pique, Lenglet iyo Araujo kusoo shirtagay halka Alba iyo Dest ay garbaha daafaca dheeli doonaan.

Labada weeraryahan ayaa ah Antoine Greizmann iyo Lionel Messi oo aad isku fahmay kulamadii ugu dambeeyay iyadoo Ousmane Dembele markale maqan yahay.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Valencia

Barcelona: Ter Stegen, Dest, Araujo, Pique, Lenglet, Alba, Busquets, Pedri, De Jong, Messi, Greizmann

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More