Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Newcastle United vs Arsenal – Arteta Oo

Kooxaha Newcastle United iyo Arsenal ayaa galabta isku faro-saaraya gegida St James Park xilli ay labada kooxoodba saddexda dhibcood doonayaan.

Magpies iyo Gunners ayay hadda 10 dhibcood u dhaxeeyaan, Arsenal ayaa booska 11-aad joogta 33 kulan kaddib halka ay Newcastle booska 17-aad fadhido.

Mikel Arteta ayay macquul tahay inuu diirada saaro ciyaarta Khamiista ee Villarreal ee UEFA Europa League halka ay Newcastle waxkasta u samayn karto ciyaartan si ay uga fogaato kaalmaha horyaalka lagaga dhaadhaco.

Arteta ayaa kulankan keydka dhigay Partey, Saka, Leno, Chambers, Pepe, Mari iyo Smith-Rowe oo Villarreal kahor tagay Khamiistii waxaana uu bedelkooda kusoo bilaabay Ryan, Gabriel, Luiz, Elneny, Willian, Martinelli iyo Aubameyang.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More