Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Man City vs Porto – Guardiola

Manchester City ayaa shax xooggan kusoo bilaabatay ciyaarta ay ku martigelinayaan FC Porto ee garoonka Etihad Stadium, waxaana hoggaaminaya weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero.

Tababare Pep Guardiola ayaa weerakra wada keenay Raheem Sterling, Aguero iyo Bernardo Silva, halka dhexdana ay Gundogan, Rodrigo iyo Riyad Mahrez wada joogaan.

Ruug-caddaaga reer Brazil ee Fernandinho ayaa kaydka kala soo muuqda Ferran Torres oo xagaagii ay soo iibsatay City, Phil Foden Zinchenko iyo John Stones.

Difaaca ay kasoo qaateen FC Porto ee Diaz ayaa khadka dambe la wadagayaa Garcia, Walker iyo Joao Cancelo.

Dhinaca kooxda martida ah ee Porto, waxa hoggaaminaya Marega, Sanusi, Vieira iyo Diaz, halka uu ruug-caddaaga Pepe iyo saxeexdii ay Chelsea amaahda kaga soo qaateen ee Sarr ay difaaca wada adkaynayaan.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Man City: Ederson, Walker, Dias, Garcia, Joao Cancelo, Bernardo Silva, Rodri, Gundogan, Mahrez, Aguero, Sterling

Kaydka: Stones, Zinchenko, Steffen, Torres, Fernandinho, Carson, Foden, Nmecha, Doyle, Harwood-Bellis, Palmer, Bernabe

FC Porto: Marchesin, Mbemba, Pepe, Sarr, Corona, Sergio Oliveira, Uribe, Sanusi, Vieira, Diaz, Marega

Kaydka: Grujic, Diogo Leite, N’Diaye, Taremi, Nakajima, Manafa, Baro, Felipe Anderson, Martinez, Evanilson, Nanu, Costa

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More